Saturday, October 24, 2015

Maxaa ka hirgaley Shuruudihii Somaliland la tagtay Wadahadalka Soomaaliya ee Maamulka Hawada?

 

Hargeysa, 24 October, 2015-(Himilo)- Wadahadalladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ka wada yeesheen sidii Hay’adda ICAO looga soo wareejin lahaa oo toddobaadkii hore ku soo dhammaaday dalka Turkiga ayaanay waxba ka soo bixin, marka laga yimaaddo isfaham aan qoraal wadan oo ay wada gaadheen labada dhinac.Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Arbacadii ka soo laabtay Turkiga ayaa sheegay inay farsamo ahaan isku soo fahmeen weftigii ka socday Soomaaliya ee ay Turkiga wada hadallada ku yeesheen, hasa-yeeshee aanay waxba ku heshiinin. “Wax badan ayaanu isku soo dhaweynay oo aanu xagga farsamada iskala fahamnay, laakiin wax heshiis ah iyo gunaanad saxeex leh oo shirkaa ka soo baxay ma jiro, hasa-yeeshee cadho iyo dagaalo iyo xumaan kumaanu kala tagin, wax badana waanu isla fahamnay markaanu sheekaysanaynay.” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Somaliland oo u warramayey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.Wasiirka Duulista Somaliland ayaa ka hor intii aanay tagin shirka Turkiga ee uu ka waramayo Saxaafadda u sheegay inay wataan saddex Shuruudood oo ay doonayaan inay aqbasho dawladda Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Somaliland waxa Miiska u yaala saddex aragtiyood oo kala ah, in heshiiskii hore ee Istanbul in la fuliyo oo Mashruucaasi noqdo mid isku jira oo guddi Madax-bannaani oo labada dal ka kooban  maamusho, halka Mashruuca laga maamulayaana tahay Caasimadda Hargeysa, in Mashruuca loo qaybiyo Somaliland iyo Soomaaliya farsamo ahaanna waa looga wada hadli, qodobka saddexaad ee noo muuqda waxa weeyaan in Qaramada Midoobay ama dal saddexaad loo dhiibee in gacanta loogu hayo inta Soomaali wax loo qaybinayo.”Maxamuud Xaashi Cabdi oo 14-kii bishan October isaga iyo Xubnaha la socday ka dhoofeen Hargeysa, waxa uu isagoo hadalka uu Saxaafadda siiyey sii wata uu yidhi; “Muranka ka taagan Mashruuca Hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga Maamulaa, annaguna yeeli mayno wax qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment