Saturday, October 24, 2015

Faysal Cali Waraabe oo Fool-xumo ku tilmaamay dhacdooyinkii Saaxil, kana hadlay Kulan uu Madaxweynaha Jabuuti la yeeshay

 

Hargeysa, 24 October, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u dhalliilay dhaqdhaqaaqyo toddobaadyadii u dambeeyey ka taagnaa gobollada Saaxil iyo Awdal, isla markaana ku taliyey in Shacabku nabadgelyadooda ilaashadaan, dawladdana ugu baaqay inay is-faham iyo isqancin ka samayso diidmada Shacabka.

Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay Shalay ka dib markii uu ka soo guryo noqday safar uu ku tagay waddamada Itoobiya iyo Jabuuti, isagoo hoggaaminaya Wefti Jarmal ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland soo casuuntay, ayaa waxa uu ka warbixiyey safarkii uu ku maqnaa iyo dhacdooyinka waddanka ka dhacay muddooyinkii ugu dambeeyey.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya safarkii uu ku tagay wadamada Ethiopia iyo Djibouti. “Waxaan dalka ka baxay Sabtidii toddobaadkii hore  waxaanan tagay Addis Ababa, Axaddii ayaan Addis ka baxay waxaanan tagay ismaamulka Tigree, halkaas oo kala qayb galay qolo Jarmal ah oo halkaasi ka furayey Mashaariic waxaanu halkaas iska helnay waftigan jarmalka ah oo ka socda rugta ganacsiga dalka Jarmalka ee la yidhaahdo African Firm, waxa casuuntay oo ay u yimaaddeen wasaaradda arimaha dibadda, waxaanay u yimaaddeen sidii waddanka jarmalka loogu qaban lahaa (German Somaliland Bussines Form).” Sidaa ayuu yidhi Faysal.

Waxaanu sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha UCID kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi; “Waxaannu u dhaafay dalkaasi Djabouti  oo aan  laba maalmood joogay iyada oo aan la kulmay Madaxweyne Geellle oo aanu si fiican uga wada hadallay Arrimaha Somaliland, Djabouti iyo Soomaaliya  iyo  doorashooyinka saddexda waddan ku soo socda iyo guud ahaan arrimaha Geeska.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo ka hadlay sida uu u arko dhacdooyin Saaxil ka dhacay intii uu maqnaa, waxaanu yidhi; “Intii aan dalka ka maqnaa arrimo yar yar ayaa dalka ka dhacay, waxa dhacday arrintii waddada la istaagay taas oo ahayd mid aad u fool xun, tabasho badan oo dawladda laga tabanayaa way jirtaa laakiin ma haboona inaynu dadka tusno sawir xun, buuro la galaa fool xumo ayey leedahay dawladna lagu xumayn maayee ee dalkeena ayey xumaan ku noqonaysaa. Arinka Haamaha dawladda dhawr jeer ayaanu ka wada hadalnay oo aanu ku nidhi arintaas Haamaha hala hakiyo maadaama oo shacabku aad uga soo horjeedo.”

Sidoo kale, Hoggaamiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in Haamaha, dekedaha iyo macdanta dalku ay tahay wax ka dhaxeeya guud ahaan Shacabka isla-markaana aanay haboonayn in cid gaar ah gacanta loo galiyo. “Waxaanu sheegaynaa Haamaha, Dekedaha  iyo Macdantu waa wax la wada leeyahay inay dad gaar sheegtaan waa fool xumo, waana xoolo ummadeed oo ummadda oo dhan ka dhaxeeya meel kastana waa lagaga hadlay ilaa Boorama ayaa lagaga hadlay in Haamahaas aan loo baahnayn in wakhtigan la beddelo, laakiin in dad gaar ahi intay is urursadaan ay waddooyinka jaraan waxaan u arkaa danbi wayn waana  shaqooyinkii aynu 1991-kii ka waynaanay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment