Tuesday, October 27, 2015

Siyaasiyiin iyo Madax-Dhaqameed ka talo-bixiyey Dheelliga Siyaasadeed ee ku yimi Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo

 

Anigu waan taageersanahay Wasiirrada is casilay waayo ? waxaan u arkaa inay yihiin intii dalka xil ku saarnaa ee ka damqatay sida wax u socdaan…” Xildhibaan Dheeg

“Madaxwaynaha waxaan u jeedinayaa inuu soo dhiso dawlad ka kooban xisbiyada Qaranka oo dalka doorashada gaadhsiisa oo ku meel-gaadh ah’..” Buur-Madow

“Haddii aan Tilifoonka Kulmiye Siilaanyo hayo saaka waar ka soo kac oo Aabahaa u hiili ayaan odhan lahaa….” Cali Gurey

Hargeysa, 27 October, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland soo-foodsaartay iyo faashilka ku yimi Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii shalay ay hal mar xilalka ay hayeen iska wada casileen 12 Masuur oo isugu jira Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno iyo Xubno kale.

Ugu horreyn Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inuu filayey in arrintan kala-guurka ahi dhacayso, hasa-ahaatee ay Madaxweyne Siilaanyo ceeb ku tahay inuu kala raaco Musharraxiinta ku loolamaya jagada Madaxweynaha KULMIYE.

Xildhibaan Dheeg oo ka hadlaya iscasilaadda Wasiirrada Xukuumadda waxa uu yidhi, “Arrintani waa arrin aan anigu filayey oo laba bilood ka hor ayaan sii sheegay meesha waxa ka socda, laakiin Madaxwaynaha umay ekayn inuu Wasiirrradiisa kala raaco ee waxay ahayd inuu yidhaahdo tartamaya oo ka laga adkaadow Waddada Cab. Madaxwaynaha Ceeb bay ku tahay inuu yidhaahdo qof kaliya taageera kii taageeri waayowna iska tag.”

“Anigu waan taageersanahay Wasiirrada is casilay waayo ? waxaan u arkaa inay yihiin intii dalka xil ku saarnaa ee ka damqatay sida wax u socdaan. Laakiin KULMIYE inuu ka dambaynayo (Masuuliyiinta Iscasilay) u malayn maayo ee ILLAAHAY ha u naxariisto ayaan leeyahay, waayo ? Xaqdaradaa uu ku bilaabay Madaxwaynuhu ka soo waaqsan maayo KULMIYE.” Sidaa ayuu yidhi Md. Dheeg.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) waxa uu eedaymo u jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi, “Cadaaladda Muuse Biixi waxaa kaaga filan labaatankii xubnood ee Golaha dhexe ee uu gacanta ku hayey siduu u qaybiyey, xubnahaa kala badh buu siiyey Beeshiisa, intii kalena wuu tuurtuurtay oo Garxajas oo kale hal xubin buu ka siiyey, waxaan leeyahay markuu Madaxwaynuhu noqdana sidaas oo kale ayuun buu yeeli doonaa ee reerkoodu ha soo saaro.”

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in aanay ahayn in Muuse Biixi oo kale uu Madaxweynenimo ku fikiro, “Somaliland waxaa lagu xaman jiray haddaad Dem ka sii siiso oo aad baa’biiso markaad sannad ka maqnaato intii hadhay ayuun baa sacabka kuu tumi, waxaan uga jeedaa anigu maan filayn in Muuse Biixi uu Madaxwaynenimo hindisayo markaad taariikhdiisa dib u raacdo”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madoow) oo isaguna xalay u warramay Caynabonews, ayaa yidhi; “Aad iyo aad baan uga xumahay inaynu Wasiirradu iscasilaan, waayo ? waa Wasiirradii qabtay waxqabadka ugu muhiimsanaa ee Xukuumaddan waana Rag ay waxqabadkooda taariikhdu xusi doonto, markaa Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waan uga tacsiyadeynayaa burburkaa ku yimid oo kuma faraxsani, canaani waxba ma tarto laakiin waa in talo qaran looga gudbaa, waayo ? ma Sahlana Wasiirrada intaa leeg ee iscasilay markaa waxa loo bahan yahay in laga gudbo.”

“Horaan u sheegay in Madaxweynuhu cid dhabarka taabanayo si uu Xisbiga u badbaadiyo, laakiin anigu kuma faraxsani qaabkan uu Madaxwaynuhu u dhigay oo iyaga oo kaadhkii wada qaatay uu haddana Xalay (Habeen-hore) dib ugu wada yeedho uu yidhaahdo Ciddaass baan dhabarka taabtay, awr baa laba Carab leh ee nin weyni laba Carab malaha ee waxay ahayd inuu ku joogo Qawlkiisii ahaa dhexdhexaad baan ahay cidda uu taageerayana uu hoos dhabarka u soo taabto (Cidna u sheegin) halkaana deg-deg baa ma muuqda. Qolada Wasiirrada ah dawladdii ay la soo shaqeeyeen ee ay taariikhda ku lahaayeen ee wax ka dhigtay Ragga kamay faddilnayne waxay ahayd inay dul-qaad sameeyaan oo ay Madaxwaynaha talo kula noqdaan oo aanay ka shaqeyn Xisbiga iyo Xukuumadda burburkooda. Imika way dhacday ee maxay u muuqanaysaa ?, dawlad dhan oo Wasiirradii ugu awoodda badnaa ka tageen waxay u muuqanaysaa inqilaab oo ma muuqata meel laga dhexdhexaadin karaa, Madaxwaynuhuna inuu aqbalayo iima muuqato, imika wuxuu soo saaray amar uu leeyahay Xafiisyada ma geli karaan markaa waxay u muuqataa meel aan Tanaasul oolin, waanu ku qasban yahay Madaxwaynuhu inaanu u jilcin dawladda Miisaankeedii oo ka hor timid. Aniga aragtidayda Siilaanyo wuu ku qasban yahay inuu go’aankaa adag qaato.”

“Dawladdani Maaha dawlad Raysal-wasaare oo dhacaysa ee waa dawlad Madaxwayne, Madaxwaynuhuna isagiibaa xil ka qaadis isku sameeyay oo badda soo dhigay. Laakiin waxaan qabaa Xisbiyada iyo dalka ayay maslaxad u tahay inuu dhamaysto Siilaanyo xilka intaa uu joogo Maadaama oo aanu diyaar u ahayn (Inuu sii joogo). Wasiirradani waxay awoodda badan ku lahaayeen Madaxweynaha iyo dawladda hadday xilkii iska casileenna waa Rag shacab ah, laakiin Sharaftooda iyo ololahooda ku meel mari kara laakiin Rag qori qaadan kara Maaha oo samayn kara tallaabadaa (Iscilaadda) mid ka duwan, waayo ? waxay wax ku ahaayeen oo lagaga waabanayey awoodda Siilaanyo ayay ahayd, haddii ay tiina ka baxeen baqahaasi iguma jiro (Inay hub qaataan). Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtidu) ma qabanayo Madaxwaynenimada ee Saylici ayaa qabanaya, laakiin Madaxwaynaha waxaan u jeedinayaa inuu soo dhiso dawlad ka kooban xisbiyada Qaranka oo dalka doorashada gaadhsiisa oo ku meel-gaadh ah maadaama oo isagu uu kursigiisii halkaa iska dhigay Wasiirradiisiina waayey.”

Guddoomiye Ku-xigeen ka saddexaad ee UCID Cali Maxmaed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook is-casilaaddaa ka dib, waxa uu ku yidhi; “Berigii Ingiriiska ayaa waxa la yidhi cuqaasha reer Hargeysa oo Xafiiska DC-ga joogta ayuu DCgii Ingiriis nin Caaqil ah oo hadlay ku yidh; ‘shut up’. Caaqilkii baa iskaga baxay Xafiiskii DCga cadhona wuu ku baxay ninkii Ingiriisna inuu wax dhimayba isuma haysto. Dhawr bilood markii Caaqilki shir daaye xataa mushaharkii soo doonan waayay ayuu maalin maalmaha ka mid ah cid u diray. Markii Xafiiskii loogu keenay ayuu DCgii yidhi Caaqil miyaad xanuunsatay beryahaa  kumaan arag oo xataa musharkaagi wuu is gaadhay oo maad soo doonan eh. Halkii uu wax kale ka eegayay ayuu yidhi; ‘Saab Jidhaab Hadal Kama Dambayn!’.”

Cali-Guray oo si taas ah uga hadlaya xaaladda uu dhacdada hore ugu araartay ee is-casilaadda iyo sababta keentay, waxa uu yidhi; “Axmed-Siilaanyo raggii la tartamayay Muuse Biixi wuxu yidhi JIDHAAB eh bal aan eegno waxay yeelaan. wuu u caddeeyey in aanu dhex u ahayn ee Muuse Biixi taageersan yahay. Weliba intaa kumuu joogin ee ergadii reerkiisa oo dhan iyo Wasiirradii reerkiisana Muuse wada raaca ayuu yidhi. Shalayna muxuu Madaarka ka yidhi? Waan ka xumahay runtii waayo Axmed beenaale ma ahaan jirin cid baase ka dhigtay heshay Axmed oon Axmed ahayn oo xumaan walba faraha u gelisay cid uga miciintana aanu hayn. Waar odaga tolow raggii uu dhalay miyay dhinteen maxay aabahood ugu eegayaan sidan. Waan ka xumahay runtii walaahi haddii aan Tilifoonka Kulmiye Siilaanyo hayo saaka waar ka soo kac oo Aabahaa u hiili ayaan odhan lahaa. Haddana ciddii xidhiidh la leh waxaan leeyahay fariintaa ha la iga gaadh siiyo.”

 

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna arrintaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu waxa weeye talada halkii ugu sarraysay, hadalkiisuna hadal siyaasi ah waa ku qaali. Ragga Wasiirrada ah ee is-casilay waxaan leeyahay, is-casilaadda yaan laga aqbalin, Madaxweynuhuna dhex ha u noqdo Musharrixiinta KULMIYE. Dadweynahana waxaan leeyahay nabadda ilaashada oo dhawra.”

Suldaan Maxamed Dheeg Cali Gurey

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment