Monday, October 26, 2015
Human Right Watch oo Somaliland ku eedaysay tacadiyo lagula kaco Dadka Dhimirka wax ka Qaba.
Hargeysa (Himilo)- Hay’adda xuquuqda aadamaha u doodda ee Human Right Watch ayaa eedeyn u jeediyay Somaliland, iyadoo ku eedeysay inay si aan wanaagsanayn ula dhaqanto dadka qaba xanuunnada dhimirka, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay si khasab ah lagu geeyo goobo lagu xannaaneeyo, halkaasoo ay tacaddiyo ku mutaan.
Warbixin ka kooban 81-bog looguna magac-daray -Chained Like Prisoners- ayay HRW ku sheegtay in dadka la il-daran xanuunnada madaxa ku dhaca la xidh-xidho islamarkaana la garaaco, waxaa kaloo la sheegay inay safaf dhaa-dheer u galaan daawada ay ka helaan goobaha caafimaad ee xukuumadda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Goobaha caafimaadka ee gaarka ah, dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa lagu xidh-xidhaa silsilado, waxaa kaloo aad loo xakameeyaa dhaq-dhaqaaqooda iyo meelaha ay aadayaan.
Hay’adda Qarammada Midoobay u qaablisan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.
“Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaa intii la siin lahaa daryeel caafimaad, waxaa lagu dhibaa lagu xannaaneeyo, iyadoo loo xidho sidii maxbuus oo kale ama la takooro,” ayay tidhi Laetitia Bader oo hay’adda HRW u qaabilsan Afrika, iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay wax ka qabato goobaha caafimaad ee dadka qaba xanuunnada dhimirka lagu xannaaneeyo.
Sidoo kale, hay’addu waxay Somaliland ugu baaqday in dadka dhimirka ka jiran la siiyo daryeel wanaagsan, xukuumada ayaa waxaa loogu baaqay inay la socdaan oo isha ku hayaan meelaha dadkaas lagu daryeelo, lana mamnuuco in silsilado lagu xidho.
Waxay HRW sheegtay inay baadhitaan ku sameeyeen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, iyadoo wareysatay in ka badan 115-qof oo ay ku jiraan 47-bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment