Monday, October 26, 2015

Madaxweynaha Somaliya Oo Xilkii ka caydhiyey Duqii Magaalada Muqdisho

 

Muqdisho(Himilo )-Madaxwaynaha Somaliya ayaa xilkii ka qaaday Duqii magaalada Muqdisho Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab).

 

Afhayeenka madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xilka qaadista lagu sammeeyey Muungaab.

 

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xilkaasi uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay mas’uul magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

Waxaan illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta xilka looga qaaday Muungaab, Haseyeeshee duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ka horyimid amaro wasiirka arimaha gudaha somaliya ku amray in la xidho wadooyinka kamida somaliya, Isagoo duqaasina ku gacansaydhay amarka wasiirka.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment