Sunday, October 25, 2015
Wasaarada Maaliyada Oo Hakad Galisay Booyadaha Shidaalka ka Qaada Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.
Berbera (Himilo)-Wasaarada Maaliyada somaliland ayaa hakad galisay dhaaminta booyadaha shidaalka ka qaada haamaha kaydka shidaalka Berbera , kadib markii shirkadaha haamaha maamula iyo wasaarada maaliyadu ay isku afagaran waayeen lacagta cashuuraha wasaaradaasi qaado oo markii hore ay ku shubi jireen akoonka wasaarada maaliyadu ku leedahay baanka Berbera.
Ma Jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada shirkadaha maamula haamaha iyo wasaarada maaliyada maaliyada, balse warar xogo-gaala ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay in la dhaamiyo booyadaha shidaalku uu daba socdo , kadib markii shirkadaha shidaalku ay bixin waayeen cashuurta wasaarada maaliyada oo markii hore uu ka qaadi jiray maamulkii hore ee haamaha kaydka shidaalka islamarkaana uu ku shubay baanka magaalada Berbera halkaasi oo ay kala bixi jirtay wasaarada Maaliyadu.
Dhamaan booyadaha shidaalka ka dhaamiya haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa hortuman xarunta haamaha shidaalka Horteed.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment