Saturday, October 24, 2015

QM Oo Kordhiyay Xayiraada Hubka Ee Saaran Somaliya.

 

Hargeysa (Himilo)-Golaha amaanka ee QM ayaa kordhiyey xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya  ilaa iyo November 2016.

Qaraarka ayaa  lagu kordhiyay xayiraada Hubka ee saaran somaliya ayaa waxaa u codeeyey 14 dal, halka Venezuela ay ka aamustay. Goluhu wuxuu kale oo uu  kordhiyey hawsha kooxda QM u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ilaa iyo 15 December 2016.

Golaha amaanka ayaa walaac ka muujiyey wararka sheegaya, musuqmaasuq, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta xagga lacagaha ee ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan maamullada xukuumadda Federaalka iyo baarlamaanka federaalka.

Golaha Amaanka waxa uu hoosta ka xarriiqay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xannibaado la kulmaan.

Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta ay dawladda Soomaaliya ku raacsanayn.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment