Sunday, October 25, 2015
Dhallinyaro Jabsaday Farriin-kaydiyaha Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka oo sheegay ujeeddadooda
Washington, 25 October, 2015-(Himilo)- Koox dhalinyaro arday ah ee jabsaday Emailka Agaasimaha CIA-da Maraykanka John Brennan ayaa Saxaafadda u sheegay inay doonayaan in Maraykanka uu joojiyo taageerada uu siinayo Dawladda Isra’iil.
Qaar kamid ah kooxda emailka xaday ayaa si toos ah telefoonkiisa uu wacay John Brennan, waxayna sheegeen inuu u balan-qaaday lacag haddii ay xogta usoo celinayaan, balse waxay sheegeen in codsigooda aanu lacag ahayn balse doonayaan in Maraykanka joojiyo taageerada uu siiyo Isra’iil iyo dilka dadka masaakiinta ah.
Dhalinyaradan oo la sheegay inay gaadhayaa 6 qof oo kala jooga Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay si fudud kula wareegeen Emailka John Brennan halkaasi oo ay kala baxeen xog badan oo xasaasi ah oo ay ku wareejiyeen shabakadda faafisa xogta sirta ah ee Wikileaks.
Ardaydan ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan xog kale oo ay kala baxeen Emailada mas’uuliyiin sar sare oo ayna magacooda shaacin, iyagoo balan-qaaday in 5ta bisha November xog cusub soo bandhigi doonaan.
Xogta lagala baxay Emailka khaaska ah ee Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka ayaa waxaa kamid ahaa macluumaad xasaasi ah oo uu gudbiyey wasaaradaha, Baarlamaanka iyo Aqalka Cad xiligii uu ahaa La taliyaha Madaxweyne Obama ee dhanka la dagaalanka argagaxisada, xogtaasi qaar la xidhiidhay jidh-dilka uu Maraykanka u geysto dadka uu qabto.
Waxaa sidoo kale xogta laga xaday Mr. Brennan ku jiray in badan oo kamid ah ciwaanadiisa goobihii uu degenaa iyo waliba meelaha ay kala degen yihiin Qoyskiisa iyo ciwaanada lagala xidhiidhi karo.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment