Tuesday, October 27, 2015

“Ninku hadduu Wasiir yahay oo Siyaasadda uu is leeyahay (Madaxwaynuhu) wuu ku soconayaa uu socon waayo, Midhka u bannaan waa inuu iskaga tago…”

 

 

Cumar Maxamed Nimcaale – Wareysi gaar ah

 

Hargeysa, 27 October, 2015-(Himilo)- Cumar Maxamed Nimcaale oo ka mid ah Hal-doorka Siyaasiyiinta Somaliland isla-markaana soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Allaah ha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland gashay, ka dib markii Shalay ay mar kaliya Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay iska Casileen ku dhawaad 10 Masuul oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Afhayeenkii Madaxtooyada.

Cumar Maxamed Nimcaale, ayaa sheegay in khilaafka KULMIYE ee Salka ku haya shirka Golaha dhexe iyo Iscasilaadda Wasiirrada Xukuumaddu sii kordhinayaan Qalalaasaha Siyaasadeed ee Somaliland ku jirtay, laakiin loo baahan yahay in la dhex galo Xukuumadda iyo Wasiirrada Iscasilay si buu yidhi si wada jir ah loogu guntadu Xal u helidda Mushaakilka Siyaasadeed ee ka jira gobollada darafyada dalka.

Mr. Nimcaale oo Shalay u Waramay Wariye Cabdiqaadir Aadan Carab oo ka mid ah Bahda Wargeyska Himilo, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya dhibaatada sida cadowga Somaliland uga faa’ideysanayo Qalalaasaha Siyaasadeed ee Somaliland Waajahayso ayaa yidhi, “Maanta Waddanku Qalalaase ayuu ku jiraa oo Xisbul-xaakimkiina wuu is wada haystaa cadow badanna wuu innagu xeeran yahay, markaa Somaliland dan uma aha cid is qabsata iyo cid cabaneysa oo Qalalaase abuurta, oo waxaasi waa wixii laga gaashaaman lahaa, Waayo ? Soomaaliya wixii ay xoog iyo khiyaamo lahayd waxay ku soo foorarisay Somaliland si aanay ictiraaf u helin oo aanay u horumarin, taladooduna waxay noqotay oo ay doonayaan inay Somaliland ku hayaan cunaqabateyn.”

Cumar Maxamed Nimcaale waxa uu tilmaamay in inkasta oo Soomaaliya tahay cadowga koowaad ee Somaliland leedahay haddaba aanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo muddada uu xilka hayo ka hadal dhibaatada iyo jalaafooyinka Siyaasadeed ee Soomaaliya u maleegayso Somaliland waxaanu yidhi, “Soomaaliya waa cadowgeenna koowaad, laakiin Madaxwayne Siilaanyo shantaa sanadood ee uu xilka hayey Maalin kaliya ma caaridin, Xisbiga KULMIYE maalin kaliya ma caaridin, haddana Wasiirrada oo dhami markay hadlayaan waxay odhanayaan Soomaaliya waa Cadowgeenna koowaad haddana tallaabo aynu innagu qaadayno oo aynu nimankaa Soomaaliya iskaga celinaynaa ma jirto, markaa waxaan leeyahay yeynaan ka cabsan Xasan Sheekh oo hadal kasta oo uu ku hadlaa been yahay.”

Cumar Maxamed Nimcaale oo la waydiiyey in Wasiirrada shaqada ka tagay ku saxan yihiin talaabada ay qaadeen iyo saamaynta Iscasilaaddoodu ku leedahay Qaranka ayaa ku jawaabay; “Haddii Xisbul-xaakimkii dalka xukumayey uu labaatan meelood u kala kacay wax inoo hadhay ma jiraan. Laakiin ninku hadduu Wasiir yahay oo siyaasadda uu is leeyahay wuu ku soconayaa (Madaxwaynuhu) ku socon waayo, Madaxda ka sareysaana culays ku saarto  (inuu tooda ku dhaqmo) midhka kaliya ee u bannaan waa inuu iskaga tago.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in mushkiladda haysata Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay tahay Midnimo la’aan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay midnimo iyo dariiqii Xukuumaddihii Rayaale iyo Cigaal u mareen ictiraaf raadinta loo maro, “Tusaale ahaan anigu Dawladdii Cigaal ee aan ka mid ahaa Wasiirradeedu way isku xidhnaayeen oo siyaasaddu meel ayuun bay ka wada duulaysay, tii Rayaale-na sidaas si leeg bay ahayd oo Wasaaradaha oo dhami waxay ku  foognaayeen Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wufuudda baxaysa ee Ictiraafka raadinaysa ilaa ay gaadhay in Daahir Rayaale uu Midowga Afrika ku khasbo in Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Afrika uu Somaliland yimaaddo oo uu ka qoro Warbixin wanaagsan, haddana Soomaaliya oo Masar kaashanaysa ayaa awooddeeda oo dhan saartay warbixintaa (siday u qarin lahayd) waxayna ku xidhay khaanad, markaa waxa loo baahan yahay ciddii khaanaddaa ka soo saari lahayd.”

Cumar Maxamed Nimcaale, waxa kale oo uu sheegay in Icasilaadda Wasiirradu ay saamayn weyn ku yeelanayso Sumacadda Somaliland waxaanu yidhi; “Nin baa yidhi anigoo markii horeba ooyayey ayay Weylina igu sii joogsatay, iyadoo markii horeba ay qaylinayeen Awdal, Selel, Sool iyo Sanaag oo Xisbul-xaakimku is wada haysto (ayay Wasiirraduna iscasileen) markaa Waqcad xun bay inoo geysanaysaa oo saamayn weyn bay ku yeelanaysaa Xisbiga KULMIYE iyo Sumcaddii Somaliland iyo mustaqbalkiiba.”

Mr. Nimcaale oo la waydiiyey waxa uu ku talinayo si looga gudbo qalalaasaha siyaasadeed ee dalku galay, ayaa ku jawaabay, “Taladaydu waxa weeyaan in Guurtidu shaqadeedu qabsato oo Xukuumadda iyo Wasiirradan (Iscasilay) dhex gasho, markaa ka dibna lagu khasbo inay quwaddeeda oo dhan saarto Gobollada cabanaya oo deg-deg wax looga qabto.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment