Thursday, October 22, 2015

Xukuumadda oo faahfaahin ka bixisay iibka Dugsigii Haweenka iyo Qaabka Dakhligiisa loo isticmaalayo

“Waxa laga iibiyey muwaadin reer Somaliland ah, dakhligii ka soo baxana waxa lagu daray…” Eng. Cabdiraxmaan Maal.

Hargeysa, 22 October, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay sifo sharci ah u mareen iibka Dugsigii Waxbarashada iyo Farsamada Gacanta Haweenka ee Faadumo Biixi, isla markaana dhaqaalaha ka soo baxay gelayo Miisaaniyadda sannadkan.

Dugsiga haweenkaWararka iibkan Dugsigii Farsamada Haweenka ee Faadumo Biixi oo Xisbiyada Mucaaradku qaarkood ku sheegeen inuu sharcidaro ahaa, isla markaana qeyb ka tahay boobka hantida shacabka ayaa sarkaal u hadlay wasaaradu sheegay in go’aanka iibkiisa ay gaadheen guddiga iibka dhulka ee hore Madaxweyne Axmed Siilanyo ugu magacaabay.

Agaasimaha waaxda Dhulka ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadhiidka Eng. Cabdiraxmaan Maxamuud Maal oo shalay wargeyska Himilo wax ka weydiiyey ayaa xaqiijiyey jiritaankaiibka dugsigaa, isla markaana sheegay in waddo sharci ah loo maray, waxaanu yidhi; “Dugsigii Farsamada Haweenka ee Faadumo Biixi waxa uu ka mid ahaa Hantida Guryaha dawladda, iibkiisana waxa loo maray sifo sharci ah.”

Eng. Maal, ayaa sheegay in Gurigaa laga iibiyey Muwaaddin reer Somaliland ah, Dakhliga ka soo baxayna lagu daray Miisaaniyadda sannadkan ee dawladda dhexe, waxaanu yidhi; “Waxa laga iibiyey Muwaaddin reer Somaliland ah, Dakhligii ka soo baxana waxa lagu daray Miisaaniyadda sannadkan, oo hore ilaha dakhligeedu ka soo baxayo ugu jiray.”

Inkastoo Masuulka u hadlay Wasaaradda Hawlaha Guud aanu shaacin Shaqsiga laga iibiyey, ayaa dhinaca kale, Muuqaal laga taagay Wajahadda Dhismahaasi uu muujinayaa in Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka midkood ka dhiganayso goob lagu xareeyo gaadiidkooda.

Iibka Dugsigan, ayaa qeyb ka noqonaya tiro dhismayaasha ama Guryaha dawladda ka mid  ah oo hore Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga iibisay Shaqsiyaad kala duwan, isla markaana dakhliga ka soo baxay ay Xukuumaddu ku doodday inuu gelay ama lagu daray Miisaaniyadda sannadkan, sidii hore loogu qoondeeyey in dakhli cayiman oo Miisaaniyaddu ka soo baxo iibkooda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment