Saturday, October 24, 2015

Garab ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo ku Biiray Daacish, Halista kaga soo fool leh Somaliland, Puntland iyo Qaramada Midoobay oo Walaac ka muujisay

 

“Deegaannada Al-Shabaab ay sii luminayso ee Koonfurta Soomaaliya macanaheedu waxa uu yahay inay kusii xoogeysanayso Buuraleyda Gal-gala ee Puntland, taasoo fududeyn karta…” Warbixin ay Kooxda Kormeerka Cuno-qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea soo saartayvh

Galgala, 24 October, 2015-(Himilo)- Garab ka tirsan kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab, ayaa ku dhawaaqay inay daacad u noqonayaan Kooxda isku magacwday dawladda Islaamiga ah ee Daacish, taasoo ka dhigaysa kooxdan tii ugu horreysay ee Al-Shabaabta Soomaaliya deggan ka tirsan ee si cad u sheegta inay ISIS ka mid noqdeen.

 

Kooxdan Al-Shabaab ka tirsan waxaa Saldhiggeedu yahay Buuraha Galgala ee Maamul-goboleedka Puntland ee Woqooyi-bari Soomaaliya. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana Madax u ah Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Diineed ee Al-Shabaab, sida ay Baahisay Jimcihii shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay.

Kooxda sheegata dawladda Islaamiga ah ee DAACISH waxay dhawaan si caddaan ah u qalqaalsanaysay jihaad-doonka Soomaaliya ee Al-Shabaab siday is-bahaysi u yeelan lahaayeen, iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsadaan kooxda xidhiidhka la leh ee Galbeedka Afrika ee Boko Haram oo ka dagaallanta dalka Nigeria inay sidaas oo kale sameeyaan.Al-Shabaab qudheeda waxaa xidhiidh ka dhexeeyaa kooxda loollanku ka dhexeeyo Daacish ee Al-Qaacida, waxaana hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xidhxidhay xubno lagu tuhunsan yahay inay iskudeyayeen inay goostaan dhinaca waddamada Bariga dhexe ee Ciraaq iyo Suuriya oo ay ISIS qaybo ka mid ah haysato ama ka dagaallanto.Waxaa caddaan ah inay aqoonsan yihiin codsiga kooxda dawladda Islaamiga la baxday ee Daacish, taasoo saameyn karta awooddooda ay dad ku qortaan ayna sii ahaadaan halis weyn. Kooxahan oo dhan waxay u jeesteen inay dacaayado ku baahistaan Baraha Bulshada.Kooxdan Buuralayda Galgala ee Daacish ku biirtay, ayaa haddii ay awoodaysato saamayn badan ku keeni karta ama ku yeelan karta Maamullada Somaliland iyo Puntland oo midba dhinac ka kulaalayso, iyadoo hore loo shaaciyey inay Daacish dhalinyaro u dagaallanta ka qoroto deegaannada Puntland, inkasta oo Maamulkaasi beeniyey, haddana waxa cabsi weyn laga qabaa inay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ku biiri karaan Kooxdaas si ay Daacish ugu sii gudbaan.Geesta kale, Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Kormeerka iyo la-socodka cuno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli tahay halista ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo dhan ka jirta.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu tilmaamay meelaha ay Al-Shabaab dhaqaalaha ka hesho oo ah sida warbixinta lagu xusay Sakada ay Shacabka ka qaadaan ee Lacagta iyo Xoolaha isugu jirta, sidoo kale, Cashuurta ay Baabuurta Xamuulka ah kaga qaadaan deegaannada ay ka taliyaan iyo jid-gooyooyinka ay u galaan Gaadiidka Sonkorta ka qaada Dekedda Kismaayo ee ku socda dalka Kenya, kuwaasoo mid kasta oo ka mid ah ay ka qaadaan lacag u dhiganta Toban Doollar.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdu ogaatay inuu xidhiidh wanaagsan uu ka dhaxeeya Al-shabaab iyo kooxaha daroogada ka ganacsada ee Geeska Afrika, iyagoo ka wada-shaqeeya in daroogada Heroin-ta loo yaqaan ee laga keeno Afgaanistaan loo gudbiyo Qaaradda Yurub, halkaasna lacag badan Al-shabaab ay ka sameyso.Kooxda Al-shabaab ayaa weli Maamusha dhul ballaadhan oo Soomaaliya ku yaalla, inkastoo Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay ka saareen dhul badan, haddana kooxdu ay caalami ahaan sii ballaadhanaysaa, sida lagu sheegay Warbixinta Kooxda Qaramada Midoobay u qaabbilsan la socodka Cuno-qabataynta Hubka dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo weerarradeeda la beegsata goobaha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, sida warbixintaas lagu xusay. Warbixinta ayaa cabsi ka muujisay in deegaannada Al-Shabaab ay sii luminayso ee Koonfurta Soomaaliya uu macanaheedu yahay inay kusii xoogeysan doonto Buuraleyda Gal-gala ee Puntland, taasoo fududeyn karta inuu adkaado oo uu aad u xoogaysto xidhiidhka Al-Shabaab iyo Al-qaacidada Yemen ka dhexeeya, sida Warbixintan Kooxdu ku xustay, iyadoo sidoo kale Warbixintani meesha ka saartay sheegashooyinka dawladda Soomaaliya ee ah in Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo sar-sare isu soo dhiibeen dawladda, taasoo ay Warbixintu sheegtay inay yihiin xubnahaasi kuwo la gedoomiyey Al-Shabaab dhexdooda, isla markaana Saaxiibbadoodii ay isku dhawaayeen Kooxdu dishay oo aan awood ku dhex-lahayn Al-shabaab.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment