Tuesday, October 27, 2015
Weedha Wargeyska: “Go’aan khaldan, oo wakhti khaldan, Madaxweyne Siilanyo koox khaldan la qaatay.”
Taariikhdu iyadaa is qorta, isla markaana dhacdadii shalay iskaga casileen Golaha Wasiirrada tiradii ugu badnayd sooyaalka taariikheed ee Somaliland-na abid soo marta, maba filayno inay mustaqbal timaaddee, waxay ku suntanaan doontaa dhinacyo badan, xumaan iyo samaan, khalad iyo sax-na nimba waxa uu ka galo, guddoomi doonaa.
Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaahda; “Waari mayside War ha kaa hadho!”. Waxaan uga socdaa, kuma koobnaan doonto inta ay u dhexeyso dhacdadii shalay saamaynteedu, balse shaqsi kastoo bulshada reer Somaliland ah, waxa la gudboon inuu fikirad caafimaad qabta ku eego, kana hadlo oo bayaamiyo mawqifkiisa dhinaca caddaaladda ku taagan, illayn wanaag iyo xumaan waxay keento, waa mid ku sugaya waajahiisuye.
Haddaan u soo noqdo dulucda qoraalkaygan, waxa isweydiinta koowaad tahay maxaa keenay gelitaanka xaaladdan jaho-wareer ee maanta aynu ku jirno, qofka ama kooxda loo aanaynayo abuuritaankeedu, gar iyo dariiq sharci ma u lahaayeen go’aaminteeda? Saamayn taban iyo mid togan midkood ayey ku yeelan doontaa taariikhdooda mustaqbalkooda siyaasadeed iyo sharaftooda qof ahaaneed iyo qoys-ahaaneed-ba?
Nin weyn oo hadal ka dhacay-waa geed qolofi ka dhacday,” mar hadduu Madaxweyne Siilaanyo ummadda u sheegay in tartan xalaal ah, oo loo siman yahay, noqonayo shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, go’aan kastoo beddelaya mawqifkaas, waa mid ummadda Somaliland aanay aqbalayn, xitaa hadduu Madaxweyne Siilaanyo mar labaad uu sheego sababta uu u qaatay, maaddaama oo kalsoonidu tahay sida muraayadda, oo mar hadday jabto, aan intifaac dambe yeelan doonin.
Maskaxda Saliimka ahi waxay inna siinaysaa inaan caddaalad mooyee, wax kale aanay laba qof ku midoobin, iskaba daa, ummad iyo dal dhan la’aanteed inay ku dhismaane. Haddaba, maxay noqon doontaa dhaxalka laga dambarsan doono dhacdadii shalay iyo saamaynta ay dhinac walba ku yeelan doonto mustaqbalkiisa
Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo), waa masuulka koowaad ee dhacdo kastoo wakhtigiisa ku soo beeganta ee xumaan iyo samaan waxay dhasho ku suntanaan doonto, ta shalay dhacday oo ku timi go’aan uu gaar u qaatayna (Waloow, xalay uu sheegay inaanay waxba ka jirin cid uu gaar u taageeray), hadday caddaato! waxay ahaan doontaa bar madoow oo ku qorantay taariikhdiisa shaqsi, qoys ahaan iyo siyaasadeed ee mustaqbalka.
Xubnaha Wasiirrada ahaa ee diiday Caddaalad-darrada iyo Musharraxiinta kale ee u diyaar ah inay Musharraxnimada jagada Madaxtinnimo ee Xisbiga Kulmiye u tartamaan, waxa muuqata inay ku kasban doonaan quluubta bulsho badan oo taageerayaasha Xisbiga, Golaha dhexe iyo guud ahaanba ummadda Somaliland ah, maaddaama oo uu damiirkoodu siiyey inaanay ku suntanaan go’aan dhaxal madoow laga dhaxli doono.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo ah shaqsiga ku suntan khilaafkan ka curtay dalka, kama baxsan doono inuu iska fogeeyo cawaaqibka ka dhasha, eeddiisa koowaadna waa inuu xubin Golaha dhexe u magacaabo Marwada Koowaad Aamina-weris, taasoo gef ku ah Madaxweyne Axmed-Siilaanyo gurigiisa iyo go’aankiisii uu ummadda u sheegay inuu dhexdhexaad u yahay Musharraxiinta Xisbiga Kulmiye, waxaase la eegi doonaa inuu qaado tallaabo uu ku saxo khaladkiisa iyo inuu isu dhigo nin qumanihiisu qoorta ugu jiro, balse ka qoomammooda maalin aanu waxba ka qaban karin.
Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa, Golaha dhexe, taageerayaal iyo dhamaan daneeyayaashiisu, hilbaha loogani waa isaga, waxaynu-se eegi doonnaa inuu helo badbaado iyo inuu maro waddadii ka horreysay ee Xisbigii UDUB maray, balse waxaynu eegi doonnaa inuu helo dad u hiiliya wakhtigan uu hiilka u baahan yahay, isla markaana caddeeya in dan shaqsi inuu u burburo ka ballaadhan yahay Xisbigu.
Xisbiyada Mucaaradku kama baxsanayaan cawaaqibka ka dhasha khilaafka wakhtigan laga abuuray Xisbiga Kulmiye, haddaanay tallaabada ku habboon ugu hiilin inta xaqa ku taagan dhinacyada kala duwan, oo af iyo awood kale-ba la garab istaagin wakhtigan, cidna kuma eersan doonaan waxay ka dhaxlaan taariikhda qormaysa.
Bulshada Somaliland guud ahaan innagaa ah wasladda dhinacyadan is-haystaa ku loolamayaan, kooda xaq iyo caddaalad ku doodaya iyo kuwa baalmarsan-ba. Dhinacwalbana sugayo inaynu ugu hiilinno mawqifkiisa! Haddaba maanta waa fursan aynu ku badbaadin karno dhaxalkeena mustaqbalka, kuna caddeyno dhinaca khaldan, isla markaana codkeena iyo cududdeenna ugu hiilin karno dhinaca xaqa iyo dariiq sharciga ku taagan, maxaa-yeelay? Waa kuwa aynu ku aammini karno masiirkeenna, balse haddaynu maanta ka dhigno qaddiyad aan inna khusayn, dhaxalkeeda iyo dambarka laga maalmo dadka dhadhamin doona waa innaga, sida odhaahdani tibaaxayso. “Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday-dhaqayadeed maal!”.
Gebogabadii waxaan odhan karnaa go’aankii cusbaa ee Madaxweyne Siilaanyo habeen-hore soo qaddimay ee sababay is-casilaaddan 12-ka Masuul hadduu dhaboobo, illayn goob-joog umaynu ahayne, waxuu ahaa “Go’aan khaldan, oo wakhti khaldan, Madaxweyne Siilaanyo Koox khaldan la qaatay.” Waxaanaynu caddaynta taas u adeegsan karnaa, sida ay u damaqday 12-ka Masuul ee xilka iska casilay, in kale oo go’aanku ku adkaaday, in weli rejo is-beddel qabta iyo weliba in la filan karo inay maalmaha soo socda is-hayn kari waayaan oo is-muujiyaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Labels:
Aragtida Bulshada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment