Thursday, October 22, 2015

Xukuumaddu Kolba Wax Ay Jeceshahay Ayuun-baa Sharci Ah

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxay Haamihii shidaalka ee Barbera ku wareejisay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay haseyeeshee tallaabadaasi waxay dalka ka abuurtay buuq iyo ismaan dhaaf laysku mari waayey, waxa iskaga horyimi xukuumadda iyo golaha wakiilada, khilaafkaas oo wali taagan.

Xukuumaddu geesteeda waxay ku dhegan tahay qodobka 12-aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo dhigaya xukuumaddu inay masuul ka tahay hantida qaranka oo ay iibin karto kirayn karto iwm haddii loo arko inay faa’iido ugu jirto ummadda hase ahaatee dadka ka soo horjeeda in Haamaha gacan kale lagu wareejiyo ma diidana xaqa dawladu u leedahay ku takri falka hantida qaranka laakiin waxay ku doodayaan oo daw ah in la waafajiyo shuruucda dalka sida: in marka hore loo sameeyo xeerkii lagu maamuli lahaa, in ummadda loo sheego ama lagu qanciyo baahida keentay in Haamaha shidaalka la wareejiyo iyo in si caddaalad ah loogu tartamo, sharci ma aha waana fadeexad in dad gaar ah laga soo magacaabo aqalka madaxtooyada.

 

Waxaad moodaa sharcigu inuu yahay kolba waxay xukuumaddu jeceshahay. Madaxweyne Siilaanyo iyo kudlada yar ee dalka ka talisa ma tixgaliyaan ray’ul caamka dadweynaha, iyaga oo qayb ka ah waxay indhaha ka qarsadaan boobka iyo gacan togaalaynta xoolaha ummadda, waxay dhegaha ka furaysteen baaqyada iyo tallooyinka xisbiyada mucaaradka ah, waxay aflagaado iyo meel ka dhac loo arkaa sixitaanka dhaliilaha xukuumadda iyo hogo tusaalaynta saxaafada madaxa bannaan, dan-ba kama laha cabashada iyo guuxa dadweynaha ee isa soo taraya.

 

Ninkii ciyaarta ka heesay wuxuu yidhi: “habarbaa iska haw-hawlee heelada inoo tuma”. Sidaa waxa ka dhigan madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa oo ku heesaya dadku hayska buuqee xoolaha inoo gura.

 

Si kastaba ha ahaate waxay u eegtay inuu kala go’ay xidhiidhkii madaxweynaha iyo bulshadu. Qaylo dhaanta iyo dareenka kacsan ee dadweynuhu ma gaadho dhegaha madaxweynahooda sidaas awgeed waxaa meesha ka sii baxaya taageeradii loo hayey oo ah hantida ugu weyn ee madaxweyne ka heli karo dadkiisa (the greatest asset of a president is public support).

 

Qoraalkan kooban waxaan ku soo afmeeraya haddii kalsoonidu dhimato oo madaxda laga aamin ka baxo lagama haybadaysto, waxa luma kala dambaynta, dadweynuhuna dhankooda waxay dhegaha ka furaystaan amarada dawlada ka soo baxa, waxaana dhici karta in amar diidadu u sii gudubto in si toos ah looga horyimaado xukuumadda. In kasta oo masuuliyada la kala leeyahay dadka cadhaysan ee ku hawlan inay nabad galyo daro ku sameeyaan dalka iyo dadka negi waxaan ku odhan lahaa “waa naftaadee naanida ha jabin”

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment