Wednesday, October 28, 2015

Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku qulqulaya Dalka Yemen oo weli Colaado ka socdaan

Yemen, 28 October, 2015-(Himilo)- Iyadoo Yemen ay weli colaado ka socdaan ayna ka jiraan xaalado bani’aadamnimo oo aad u daran, ayaa waxaa doonyo ku gaadhay 70,000 ruux oo muhaajiriin ah sannadkan oo keliya, kuwaasoo intooda badan ka tagay Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda QM u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR.

TahriibayaashaHay’adda UNHCR ayaa intaa raacisay in iyada iyo hay’ado ay wada-shaqeyni ka dhexeyso ay qoxootigan u qaybiyeen teendhooyin, cunno iyo dawooyin; ka dib markii la dajiyay xerada Mayfa'a ee dalka Yemen.

Qoxootigan ayay sheegtay hay’addu in la dajiyay deegaanno kale oo cusub oo ku teedsan Badda Cas, kaddib markii colaadaha Yemen ka taagan ay ku burbureen xeryihii qoxootiga la dajin jiray ee Baabul-Mandab toddobaadkii hore, sidoo kalena la bililiqeystay qalabkii yaallay xeryahaas, lana dilay laba ka mid ah shaqaalaha haya’daha gargaarka ee qoxootiga caawiya iyo qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ah.

Sidoo kale, UNHCR waxay sheegtay in saddex toddobaad ka hor ay quustay doon siday 68-qof oo muhaajiriin ah, kuwaasoo ay ka badbaadeen 33 ruux oo kaliya, halka intii kalena ay weli maqan yihiin, marka laga reebo tiro yar oo dabaal ku yimid xeebta. Waxaana tan iyo billowgii sannadkan 2015-ka la diiwaan-geliyay geerida 88-qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo geeriyooday intii ay safarka kusoo jireen.

Warbixinta hay’adda qoxootiga adduunka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in muhaajiriinta gaadha Yemen la dajiyo deegaannada ku dhow xeebaha Badda Cas, halkaasoo la rumeysan yahay in wax-xoogaa xaaladooda amaan ay wanaagsan tahay. Bishii oo keliya September ayay UNHCR sheegtay in 10,000 oo qoxooti ah ay gaadheen Yemen, taasoo ah tiro ka badan kala-bar tahriibayaashii gaadhay Yemen bishii lasoo dhaafay Ogoosto.

Dhanka kale, UNCHR ayaa sheegtay inay ka xun tahay qoxootiga kusoo qul-qulaya dalka Yemen oo ay colaado ka socdaan iyo dadka kale ee dalka gudihiisa ku barakacaya. iyadoo ay hay'addu dhinacyada oo dhan ugu baaqday inay ilaalinta xuquuqda qoxootiga iyo dadka kale ee dalka gudihiisa ku barakacay.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in ay Yemen ku sugan yihiin qoxooti tiradoodu gaadhayso 264,615 oo qof, kuwaasoo 250,260 oo ruux oo ka mid ah ay Soomaali yihiin. Halka colaadaha Yemen ay ka cararay qoxooti Soomaaliyeed oo ka badan 121,000 oo qof tan iyo bishii March ee sannadkan 2015-ka.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment