Saturday, October 24, 2015

Madaxwayne kuxigeenka Maldives oo la Xidhay.

 

Maldives(Himilo)-Madaxweyne kuxigeenka Maldives ayay booliiska dalkaasi u xidheen shirqoolkii fashilmay oo lagu dilayay madaxwaynaha Waddankaasi Yameen Abdul Gayoon.

Madaxweyne kuxigeenka Axmed Adeeb ayaa la sheegay in loo xidhay inuu ku lug lahaa shirqool bamboo lagu xidhay Dooni ay la sarnaayeen  Madaxweynaha iyo Qoyskiisa, qaraxaasi oo uu ka badbaaday Madaxweynaha, walow ay ku dhaawacmeen xaaska Madaxweynaha, Xoghayntiisa iyo mid kamid ah illaalada Madaxweynaha.

Weli dawlada Jasiirada Maldives ma shaacin cadeymaha lagu heysto Madaxweyne kuxigeenka Axmed Adeeb oo la sheegay in aanu kasoo qayb galin kulan lagu soo dhaweynayay madaxwynaha wakhtigii uu dhacay qaraxaasi waxyeelada Gaystay.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment