Monday, October 26, 2015

“Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada”Wasiir Xirsi Xaaji Cali

 

Hargeysa (Himilo)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa maanta si rassmiya u shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay qaranka  mudadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd ee uu la shaqaynayay madaxwaynaha Somaliland.

Qoraal Kooban oo wasiirka madaxtooyadu  kaga hadlay Iscasilaadiisa ayaa waxaa uu u dhigna Sidan:-

Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka.

Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada JSL muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL, hogaanka Xisbiga Kulmiye, hawladeenada Wasaarada Madaxtooyada iyo guud ahaanba cid kasta oo aan soo wada shaqaynay mudadii aan xilka hayey.

Alla Mahad leh

Wa Bilaahi Tawfiiq

No comments:

Post a Comment