Wednesday, October 28, 2015

“Illaahay ha ka dhabeeyo oo waannu ku ducaysanaynaa inuu Madaxweynuhu na taageero.. Madaxweynuhu dembi kuma geli karo hadduu..”

Waaba Illaahay mahaddii mar haddii maanta Ragga qaarkood igu leeyihiin Madaxweynaha ayaa adiga (Muuse) ku wata. Shan sanno ayaanu halkan fadhinay oo annagu qoladii la tuurtuurayey ayaanu ahayn..” Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biix Cabdi

Hargeysa, 28 October,2015-(Himilo) - Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida uu u arko iyo saamaynta iscasilaadda kooxda wasiirrada ka ahaa xukuumadda xisbigooda iyo in Madaxweyne Siilaanyo taageero ku garab-siinayo isaga tartanka shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee lagu dooranayo murrashaxa madaxweynenimo iyo ku-xigeenka uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda.

Guddoomiye Muuse Biixi oo isagoo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka sare KULMIYE shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga shalay, waxa uu sheegay in aanay waxba iska beddelin waqtiga qabashada shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10-ka bisha November 2015, kaasi oo diyaargarowgiisu gabogabo ku dhawyahay, isla markaana uu noqon doono mid si furan oo xalaal ah loogu tartami doono, maadaama xisbigu yahay mid dimuqraadi ah.

“Waxa kaloo uu meesha ka saaray eedda wasiirrada iscasilay u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo ee ah inuu la saftay murrashxnimada Muuse Biixi, isagoo tilmaamay in aannu ogayn taageeradaasi oo aannu Madaxweynuhuna meelna ka sheegin. “Qodobka ah xisbiga cid baa loo xidhay, horta golihii la isku dooranayey lama tagin, meel madaxweynuhu ka yidhi cid baan taageerayaa oo cid gaar ah ayaan wataana fagaare iyo faq midna kumaynaan maqal, anigana wuxuu dhegta ii saaray iyo wuxuu ii sheegay midna ma jiro. Markaa waaba Illaahay mahaddii mar haddii maanta Ragga qaarkood igu leeyihiin Madaxweynaha ayaa adiga (Muuse) ku wata.”

“Shan sanno ayaanu halkan fadhinay oo annagu qoladii la tuurtuurayey ayaanu ahayn, markaa hadday iyagu xaggan noogu soo riixan waa Illaahay mahaddii. Illaahay ha ka dhabeeyo oo waanu ku ducaysanaynaa inuu madaxweynuhu na taageero haddaanu helayno. Duco ayaannu ba fooxa intaa ugu ridnaa haddaannu helayno, laakiin, wax alle wax na soo gaadhay oo dareen ahi ma jiro.” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyuhu waxa uu eedda wasiirradii iscasilay ku tilmaamay tuhun iyo xan, waxaannu yidhi, “Marka loo fiirsado wasiiradii iscasilay shalay (Isniintii) waxay yidhaahdeen qaarkood, Madaxweynuhu cid buu taageerayaa. Dadka waxaannu u sheegaynaa inaanan arrintaas hayn, iyaga markii la sii waydiiyay waxay yidhaahdeen nagumuu odhane xan baanu ku maqalay, xanna la iskuma eedeeyo.”

Waxa kale oo uu ballan-qaaday in tartanka Xisbiga KULMIYE noqon doono mid xalaal ah oo cid walba u xaqeeda si caddaalad ah uga heli doonto, waxaanu yidhi; “Xisbigani waa dimuqraadi, waa lagu tartamayaa, in la igula tartamo ayaan ogolahay, horaa la iigula tartami jiray oo waa la iga adkaan jiray, marna waan ku guulaysan jiray. Wax ceeb ah ma laha fagaaraha tartanku, qolkan (xafiiska KULMIYE) ayuu ahaa kii aan ka lahaa waa la iga adkaaday ee inta xisbiga oo dhammi iga soo horjeestay aan aayar isku dhiibay, sharaf mooyee xummaanna kama qaadin, laakiin in col hortii la is eedeeyo maaha.”

“Tartanku waa furan yahay saaxiibaday waan soo dhawaynaynaa, xisbiga waa lagu tartamayaa oo wuu u furan yahay, si hufan oo saxaafadda iyo cid waliba markhaati ka noqoto ayaanu diyaar u nahay, tartankana xukuumad iyo xisbi ahaan nin walba wuu helayaaye taa ninkii doonayaa yaynaan waxaan jirin ku kala yaacin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay dambi ahayn in Madaxweynuhu codkiisa siiyo cidda uu doonayo, “Eedaha Madaxweynaha loo jeediyay, horta madaxweyne kasta oo tagaya ama hawlgabaya, inkastoo aannu madaxweynuhu wali odhan waan ka fadhiistay oo anigu musharrax ma ihi oo iminka musharaxiinta uun uu ka mid yahay, haddana sida ra’yi caamku u badinayo hadduu yidhaa waan ka fadhiistayba, madaxweynuhu waana oday, xaqna wuu u leeyahay inuu cidduu doono fartiisa u taago, dambina kuma gali karo hadduu yidhaa qof baan u codaynayaa, qof waliba qof buu u codaynayaa, madaxweynuhuna laba farood ma leh ee taa qof walba oo golaha dhexe leeyahay ayuun buu xaq u leeyahay, taas ayuun buu xaq u leeyahay. Aniguna qofna ma khasbi karo qof siyaasiyan ii aqbala mooyee Guddoomiye ahaan haddii Maxamed Kaahin oo ku-xigaa iga soo horjeesto xaq buu u leeyahay, saaxiib uun baanu ahaanaynaa isagoo horjeeda, waayo dimuqraadiyadda ayaa caynkaas ah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Muuse Biixi.

Intaa kadib, Guddoomiye Muuse Biixi oo la waydiiyey in wasiirrada iscasilay saamayn xun iyo burbur ku keenayaan xukuumadda iyo xisbigeeda, waxa uu ku jawaabay; “Toban Wasiir iyo Wasiir Ku-xigeen haddii ay iscasileen golaha wasiirrada oo tiradoodu tahay 57 xubnood ee qiyaastii intay ka noqonayaan way yar tahay, waa rag sharaftooda iyo miisaankooda leh, laakiin xaq bay u leeyihiin hadday garanwaayeen inay ka baxaan, sidoodaba wasiirradu sida dastuurkeennu dhigayo waxay gacanyareyaal u yihiin madaxweynaha, hadday la shaqayn kariwaayaana way iska tagayaan. Markaa wasiirrada iscasilay saamayntooda iyo odaynimadooda waanu ogolnahay, balse dhabarka looga jabimaayo, Somaliland nin, laba iyo afar toona uma dhutiso, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuna waa isku nidaam oo qofku haddii uu yidhaa shaqayn karimaayo in badan oo shaqayn karaysa ayaa jirta, sidaa darteed, waxaan u arkaa odayaal dan mooday inay dibadda u baxaan, waanay ku mahadsan yihiin, ninkii xisbiga ka baxa waanu ka aqbalaynaa, kii yidhaa xisbigaan ka sii mid ahaanayaana wuu shaqaynayaa oo waanu soo dhawaynayaa.”

Mar kale oo la su’aalay sida uu arko hanjabaad uu xukuumadda u diray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah murrashaxiinta KULMIYE ee cabanaya, waxa uu kaga jawaabay; “Sheekh Cabdicasiis oo Raggii xisbigan ku soo tabcay ah oo Wasiir wanaagsan oo Maaliyadda ahaa oo Guddoomiyihii xisbiga u matali jiray Baarlamanka inta badan ahaa, waxaan khayr ahayn anigu ka filimaayo, waxaan filayaa inuu waanadiisii, tafsiirkii diinta iyo nabaddii inuu mar walba ka shaqeeyo ee balaayo kama filayo.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment