Sunday, October 25, 2015

Jamaal Cali Xuseen oo ka digay khilaaf gaadha Maxkamad oo Weedho Faysal Cali Waraabe ka soo yeedhay ka dhex abuuraan Xisbiga UCID

 

“Haddaannu annagu u aragno in Guddoomiyaha Xisbigu aanu guul noo horseedayn waxay nagu kellifaysaa inaannu qabanno Shir aan caadi ahayn oo aannu kaga arrinsanayno…” Musharraxa Madaxwaynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen

Dubai, 25 October, 2015-(Himilo)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana raalli-gelin ka bixiyey weedho uu Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe Jimcihii dorraad hadal uu yidhi oo uu kula hadlay Shacabka Reer Awdal ku jiray oo qaarkood la dhibsaday.

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo daba socday Weedho Reer Awdak dhibsadeen oo  Guddoomiye Faysal Cali Waraabe kaga hadlay dhacdooyin Ammaan-dero oo toddobaaddo ka hor ka dhacay Magaalada Boorama iyo tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland oo qayb ka mid ah lagu qabtey Boorama ayaa sheegay inay Xisbi ahaan ka xun yihiin hadalladaasi xaalna ka bixinayaan.

Jamaal oo Shalay Magaalada Dubai ee Isku Tagga Imaaraadka Carabta ugu Waramay Telefiishanka HCTV ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Odayaal iyo dhallinyaro aad u fara badan oo reer Awdal oo ila soo xidhiidhay ayaa aad uga cawday hadalladii uu Guddoomiyaha (UCID) ka yidhi Warbaahinta markaa hadalladaa Xaal baanu Xisbi ahaan ka siinaynaa reer Awdal.”

Musharraxa UCID waxa uu tilmaamay in aanay habboonayn in Guddoomiyayaasha Axsaabta Siyaasadda iyo Madaxda kale ee Qaranku ku hadlaan weedho qabyaalad huwan oo dadka kala dilaya, waxaanu yidhi; “Maaha in Guddoomiye Xisbi iyo Madaxda Qaranku ay hadallo xanaf leh oo Qabyaalad dhex galaya (ku hadlaan) waayo ? dadku waa dad walaalo ah oo soo wada shaqeeyay, reer Awdalna iyagaa dhistay Somaliland markaa  uma malaynayo in dadka reer Awdal neceb yihiin dadka kale ee walaalahood ah Kalgacal ay u hayaan mooyaane. Ta kale dadka reer Awdal cod xoog leh ayay siiyeen UCID si uu mar kale u noqdo Xisbi Qaran tartankii ururrada ee 2012-kii, markaa waxaan leeyahay reer Awdal abaal bay idiin haysaa Somaliland iyo UCID-ba.”

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka Gar-naqsaday hadallo uu sheegay in Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegay inuu taageerayaasha Xisbiga codkooda u leexin doono Musharraxiin ka sharaxxan Xisbiyo kale haddii Musharraxiinta UCID uu u arko kuwo aan taageero haysan, waxaanu yidhi; “Guddoomiyuhu (Faysal) wuxuu yidhi haddaan u arko in aanan taageersanayn nimanka Musharraxiinta ka ah Xisbigeyga waxay igu kalifaysaa inaan ku idhaahdo taageerayaasha Xisbiga codkiina siiya Musharraxiinta ka sharraxan Xisbiga (Xisbiyada) kale. Annagu hadalkaa Guddoomiyaha waxaanu u aragnay diyaaraddii intay Hargeysa ka kacday haddana isla Hargeysa duqeysay, Guddoomiyaha kamaanu filanaynin inuu Xisbigiisa duqeeyo ama codkiina meel kale (Mariya), taasi waa wax ka baxsan dimuqraadiyadda meel lagu arkay Caalamkana ma jirto. Waxaan u sheegayaa Guddoomiyaha in hadalkaasi uu welwel badan galiyey taageerayaasha Xisbiga.”

Jamaal waxa uu tilmaamay in UCID aanu ahayn Xisbi uu qof leeyahay, hasa-yeeshee uu yahay Xisbi Qaran, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “UCID waa Xisbi ay aasaaseen Guddoomiyaha iyo Rag kale, tobankii sanadood ee liisanka la siiyey markay dhamaadeen Urur buu noqday, Guddoomiye Faysal markaanu u tagnay ee labadayadii dhinac aanu heshiiska wada galnay wuxuu nagu yidhi UCID imika Maaha Xisbi ee waa Urur ee haddaad doonaysaan inaad ka tartantaan oo aad Musharraxiin ka noqotaan soo saara Xisbiga, markaa Isaguna (Faysal) wuu ogyahay inaanu xoog iyo Xoolaba dul dhignay oo aanu soo saarnay Xisbi, waxaanuna heshiis ku galnay oo aanu isku dhaarsanay in Guddoomiyuhuna uu Guddoomiye noo ahaado annaguna aanu noqonno Musharraxiinta Xisbiga. Xisbiga UCID waa Xisbi Qaran, maaha Xisbi qof leeyahay oo waa Xisbi ka weyn Faysal, Jamaal, Cabdirashiid iyo Cali Gurey.”

“Waxaan doonayaa inaan Faysal xasuusiyo in Xisbiga UCID uu khilaaf hore soo maray oo aanu taag u hayn khilaaf kale iyo Maxkamad kale. Haddaanu annagu u aragno in Guddoomiyaha Xisbigu aanu guul noo horseedayn waxay nagu kalifaysaa inaanu qabanno Shir aan caadi ahayn oo aanu kaga arrinsanayno Guddoomiyaha iyo Hoggaanka Xisbiga. Guddoomiyaha waanu la soo shaqeynay ee inuu Maanta u hanqal taago Raggii aanu Shalay uga hiilinay aad baanu uga xunnahay annaga iyo taageerayaasha Xisbigu, Waayo ? waa hadal aanu u aragno deel-qaaf aan ku wanaagsanayn Siyaasadda.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.

Musharraxa Madaxwaynaha ee UCID waxa uu ka dardaar-wariyey Siyaasadda Guddoomiye Faysal, waxaanu yidhi; “Xisbiga UCID waa Xisbiga qudha ee u muuqday inuu yahay Xisbi Qaran ee ay u sinnaayeen ka Ceel-af-weyn ka soo baxay iyo ka soo baxay Saylac, laakiin hadday sidan ku socoto oo Faysal oo lagu tirinayey Aabaha dimuqraadiyadda Somaliland  (Sidaa u hadlo) waxay noqonaysaa in Xisbigii lagala soo shaqeeyay ee Reer Somaliland oo dhan u hagar baxeen in khilaafku Maxkamadda geeyo taasi oo ah wax aan loo fadhiyin oo isagana galaafanaya annagana na galaafanaya.”

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment