Thursday, October 22, 2015

Wasiirka Caafimaafka & Xoghayaha Golaha Guurtida oo isku sharraxay Madaxwayne ku xigeenka KULMIYE

Hargeysa, 22 October 2015-(Himilo) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), ayaa Khamiista Maanta ku dhawaaqay inuu Musharrax Madaxwayne ku xigeen u taagan yahay isla-markaana ka dhex tartamayo Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ee loo muddeeyay 10-ka bisha November ee sannadkan.


“Musharraxa Madaxweynaha ninka  aad doontaan siiya (ka dhiga), laakiin kursiga ku-xigeenka aniga Maanta iigu hiiliya, waayo? Isbeddel baynu u baahannahay…” ayuu yidhi, Dr. Xaglo-toosiye oo ka hadlayey Munaasibad uu Musharraxnimadiisa ku shaaciyey oo uu ku qabsaday huteelka Ambassador ee Hargeysa.


Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa uu sheegay inay been tahay in beelaha Harti ee uu ka soo jeedaa aanay diyaar u ahayn inay doorashooyinka Somaliland codeeyaan, waxaanu taa beddelkeeda sheegay oo uu ballan-qaaday inay codeynayaan dadweynaha ku dhaqan degmada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo, inkasta oo ay ka mid tahay deegaanada aan amaankeeda la isku haleyn karin isla-markaana ay dhaqdhaaqyadooda ka wadaan kooxaha ka soo horjeeda Somaliland.


Habane iyo Xoglo-toosiye


Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa isaguna Maanta ku dhawaaqey inuu u sharaxan yahay Madaxwayne ku xigeenka KULMIYE.


 Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland.


 

No comments:

Post a Comment