Saturday, October 24, 2015

“Keli-taliyeyaasha & Dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan waxay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin oo …”Sheekh Aadan-Siiro

 

Hargeysa, 23 October 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaiji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa khudbadiisii Salaadda Jimcaha ee Shalay kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Iibinta xaruntii Waxbarashada dadban ee Haweenka Hargeysa (Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo Diinta Islamka.

 

Sheekh Aadan-siiro waxa uu sheegay in marka isku geeyo dhacdooyinka rabashadaha ka wata ee ka dhacay Saaxil iyo iibinta dhulka Danta guud ay muujinayso inay Somaliland soo dhex galeen dad doonaya inay kala furfuraan.

Sheekh Aadan-Siiro oo arrimahaa ka hadlayaa ayaa yidhi, “Waxaynu si kooban uga hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay toddobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan Galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba.”Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro oo sii wata khudbaddiisa intaas ku daray oo yidhi; “Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee ummaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqollaal ka mid ahi ay ka baxeen ee (Women’s club-ka) la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen.” “Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfurta, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto.” ayuu yidhi Sheekh Siiro oo intaa sii raaciye; “Women’s club-ka la iibiyay, dalkii waxaa helay Casaabado. Casaabad Madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa Carruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno (Madaxtooyada).”

 

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dhaawac Magaalada Burco loogu geystay Guddoomiyaha Wargeyska Codka Shacabka waxaanu yidhi, “Burco waxa lagu garaacay inan Suxufi ah oo la yidhi hebel buu wax ka sheegay oo dhulka loogu tuuray. Nabadgalyadii halkaasay maraysaa, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto.”

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment