Tuesday, October 27, 2015
Musharraxiinta Samaale iyo Kijaandhe oo si adag uga hadlay go’aan ay sheegeen in Siilaanyo KULMIYE ku afduubay
“Madaxwayne annagu waxaanu doonaynaa doorasho Xor iyo xalaal ah oo Xisbigaa ka dhacda, hadday ka dhici waydo adiguna ku fadhiyi maysid debbaabaad iyo RRU kursiga..” Madaxwayne hadday Shaanidii ku cabsi galisay wallaahi tu ka weyn ayaan iman doonta haddii Xorriyadda iyo dimuquraadiyadda la ilaalin waayo..” Musharrax Samaale
“Waxa laga yaabaa inay is-leeyihiin Axmed-Siilaanyo iyo Qoyskiisu nin baad dhisaysaan, laakiin dalkii bay duminayaan, waa in laga qabto…” Musharrax Kijaandhe
Hargeysa, 27 October, 2015-(Himilo)- Musharrixiinta Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo labadooduba ka tirsan Musharrixiinta shaciyey inay u taagan yihiin jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si adag uga hadlay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku beddelay mawqifkii uu hore u sheegay inuu Musharrixiinta dhex ugu yahay, isla markaana sababay is-casilaadda 12 Masuul oo Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno iyo xubno kale isugu jira.
Musharrax Cabdicasiis Samaale ahna Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo bishii saddexaad ee sannadkan isagu iska casilay xil uu Siilaanyo u magacaabay oo ahaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa sheegay inaan Kaarayaal, Tikniko, Ciidan iyo Ciidanka RRU-da loo yaqaan lagu maamuli doonin Somaliland oo aanay Siilaanyo iyo Madaxweyne ka dambeeyaa toona ku maamuli doonin.
Samaale oo ka hadlaya go’aanka Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi; “Go’aan ka soo baxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegaya inaan dalka doorasho dambe laga qabanayn ama Xisbigii KULMIYE ee aniga, Walaalkay Kijaandhe iyo Walaalkay Maxamed Biixi Yoobnis aannu ahayn Musharraxiintiisa loogu diiddan yahay tartankii oo Xisbigii qof loo xidhayo. Arrintaasi waxay soo socotay sannadkii u dambeeyay oo maalinba meel loo soo joogsanaysay ayaa Xalay (habeen-hore) uu Madaxwaynuhu go’aan ku gaadhay inuu xidhay tartankii furnaa oo Xisbigiina uu Musharrax u yahay qof keliya oo uu isagu calmaday.”
“Waxaad ogaydeen inaannu annagu Samirnay markii lana geliyey Tikniko iyo Ciidanka RRU-da, haddana wixii oo dhan intay ka soo gudubtay ayuu xalay Madaxwaynuhu si qoys shir ugu galay Madaxtooyada isagoo leh dalka waxa lagu xukumayaa dabbaabaad iyo RRU aniga dabadey doorshadiina waan xidhay, dimuqraadiyaddiina waan xidhay oo xisbiga KULMIYE qof buu u xidhan yahay ayaa Madaxweynaha laga hayaa. Markaa Aniga, walaalkay Kijaandhe iyo Walaalkay Maxamed Biixi Yoonis waxaanu go’aansanay inaanu u sheegno dadkii na taageersanaa.” Sidaa ayuu yidhi Samaale.
Waxaanu intaas ku ladhay; “Boqolkiiba boqol waannu ku kalsoonayn inaanu ka soo baxayno Xisbigayaga haddii la tartamo. Maalintaad iska casilayey xilkii uu Madaxwaynuhu ii Magacaabay waxaan ildheer ku arkayey kali-talisnimada ka soo socota Madaxwaynaha iyo dalku halka uu u sii socdo. Madaxwaynuhu wuxuu go’aamiyey inaan tartan dambe ka jirin Xisbiga KULMIYE taa oo Macnaheedu yahay inaan tartan dambe oo asxaabeed dalka ka jiri doonin, waxaanu Madaxweynuhu leeyahay RRU iyo debbaabaad baa dalka lagu xukumayaa.”
“Laakiin Madaxwaynaha waxaan u sheegayaa inaanu kursiga uu ku fadhiyo ku fuulin debbaabaad, inaanu kursiga uu ku fadhiyo ee uu ku iman RRU. Waxaan u sheegayaa in Madaxweynihii ka horreeya ee Daahir Rayaale uu xukunka ugu wareejiyey si nabadgalyo ah ka dib doorasho xor iyo xalaal ahayd oo dadka inta geedaha hoostooda loogu tago la lahaa Walaalayaal codkiina na siiya, markaa waxaan u sheegayaa Madaxwaynaha inaan dalka lagu xukumayn RRU isaguna aanu taa kursiga ku sii fadhiyi doonin. Madaxwayne way kaa hoostay oo way kaa qaldantay oo dadka kula taliyey si xun bay kuula taliyeen. Xisbiga KULMIYE dadkii aasaasay baan ka mid ahay ee u soo halgamay, Ragga uu doonayo inuu Maanta Xisbiga u xidhaana waxay ka mid ahaayeen Raggii Xisbiga yimid xilliyadii dambe.” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.
Waxaanu Samaale oo la hadlaya Madxweyne Siilaanyo uu yidhi; “Madaxwayne annagu waxaanu doonaynaa doorasho Xor iyo xalaal ah oo Xisbigaa ka dhacda, hadday ka dhici waydo adiguna ku fadhiyi maysid debbaabaad iyo RRU kursiga. Ummaddu way ku dooratay oo kalsooni bay ku siisay, laakiin kalsoonidii ummaddu ku siisay waad lumisay waxaanad ku lumisay dadka Maanta talada ku siinaya ee ku leh reer Hebel waxay wataan Hebel, haddii reer Hebel wataan Hebel cod haku soo saaraan hadday run tahay. Ummaddu annaga ayay na wadataa oo ay codkooda na siiyeen oo Shalay annaga awgeed kugu siisay oo aad Maanta kursiga ku fadhidaa ee qofka wax isla hayaa ummadda cod haka doono Debbaabaad iyo RRU dalka lagu xukumi maayee.”
“Qaladkaa Madaxtooyada ka dhacay sannadkii ugu dambeeyay oo dhan wuu ka dhacayey oo waanu arkay waanu ka digaynay, Madaxwaynaha kor iyo hoosba waa loola hadlay, laakiin nasiib dero Madaxwaynuhu in kooban ayuu hadalkoodii maqlay, markaa Madaxwayne hadday Shaanidii ku cabsi galisay wallaahi tu ka weyn ayaan iman doonta haddii Xorriyadda iyo dimuquraadiyadda la ilaalin waayo, waxaan taageerayaashayda u sheegayaa Musharrax Madaxwayne ayaan ka ahay Xisbiga KULMIYE ee aan aasaasayaashiisii ahaa Axmed igama hor-joogsan karo cid kalena igama hor-joogsan karto, xaqaana guuleysanaya.”
Sidoo kale, Musharrax Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa isaguna ka hadlay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ee is-casilaadda Masuuliyiinta keenay, waxaanu yidhi; “Waxaan aad uga xumahay Shirkaas lagu galay Madaxtooyada ee la leeyahay Madaxdii Qaranka xoog iyo ray’igoodii ninkaas ayaa meesha loo xidhayaa ee raaca, oo doorashadii xorta iyo xalaasha ahayd ee lagu gali lahaa KULMIYE in la yidhaahdo maanta waxaa loo xidhayaa Musharrax qudha anigoo ka mid ah Musharrixiintii KULMIYE arrinkaasi waa arrin aad iyo aad u xanuun badan, waa mid aanan filaynin.”
Waxa uu sheegay Kijaandhe inaanu ka filaynin Madaxweyne Siilaanyo go’aankaas uu cidda gaarka ah ku taageeray, isagoo xusay inay dhawaan la kulmeen iyagoo laba Musharrax ah oo uu u ballan-qaaday Madaxweynuhu inuu dhex ka yahay tartanka Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE, hase-yeeshee, is-beddelka ku yimi uu yahay mid xanuun ku leh. “Arrinkaasi waa arrin aad iyo aad iigu xanuun badan, maaha arrin aan filayey Siilaanyo iyo Qoyskiisa, waa arrin kufsi ku ah dimuquraadiyadda…Maanta waxa laga yaabaa inay is-leeyihiin Axmed-Siilaanyo iyo Qoyskiisu nin baad dhisaysaan, laakiin dalkii bay duminayaan, waa in laga qabto.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Kijaandhe.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment