Wednesday, October 21, 2015

Weerar lagu Qaaday Guddoomiyaha Wargeyska Codka Shacabka oo Dhaawac Culus Loo Gaystay



 

Burco (Himilo)-Gudoomiyihii Wargeyska Codka shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro) oo fadhigiisu yahay magaalada Burco ayaa maanta niman budhadh iyo tooriyo ku hubeysani ku weerareen magalada Burco, Wariyahan ayaa waxa nimanka weerarka kusoo qaaday ay gaadhsiiyeen dhaawacyo aad uculus oo ka gaadhay Madaxa iyo wajiga, waxaana hada xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa Cisbataalka guud ee magaalada Burco.

 

Nimanka shuftada ah ee Gudoomiyaha Wargeyska Codka shacabka weeraray ayaa goobtii ay kula dagaalameen Wariyaha ka baxsaday kadib markii ay wariyaha garaaceen ka nabaro culculusna ay gaaadhsiiyeen.Gudoomiyaha wargeyska Codka shacabka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kooxdaas weerarka kusoo qaatay ay kala tageen  guud ahaan qalabkii uu ku shaqaynaayay ee warbaahinta sida computer Labtop ah kamaradihii sawirka,Rikoodhkii codka iyo waliba Mobiladii gacanta oo laba ahaa.

Guddoomiyaha Wargeyska Codka Shacab ayaa sheegay in kooxahan dablayda ah ay adeegsanayaan  masuuliyiin xilal ka haya dawlada oo uga soo hanjabay moobilkisa gacanta islamarkaana ugu hanjabay inay dilayaan hadii uu daynwaayo masuuliyiin uu wariyuhu magacaabay.

Warbixinta Wariyaha La Weeraray Video-gan Hoose Ka Daawo

https://www.youtube.com/watch?v=uggrucNn3is

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment