Tuesday, October 27, 2015
Madaxwayne Xasan Sheekha Somaliya oo Gaadhay Saudi Arabia Kulamana la qaatay Boqorka Dalkaas.
Riyad (Himilo)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Saudi Arabia, halkaasi oo uu gaadhay xalley.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare.
Booqashada madaxweynaha ayaa timid kadib markii u marti qaad ka helay boqorka dalkaas, waxaana waxaayabaha ay labada dal ka hadli doonaan ka mid ah xidhiidhka Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo socdaalka madaxweynaha uga warramay warbaahinta , ayaa sheegay in arrimaha diiradda lagu saari doono kullanka ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka jira dalal badan oo Islaam ah, sida dalka Yemen.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment