Tuesday, October 27, 2015

Madaxwayne Siilaanyo oo magacaabey wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland.

 

 

Hargeysa (Himilo)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa uu magacaabay Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka oo u shalay iska casilay Xuseen Axmed Caydiid.

 

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:               Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:               In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:            Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)

 

ALLAA MAHAD LEH


Naasir Yuusuf  Daahir


Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

--

 

No comments:

Post a Comment