Thursday, October 22, 2015

Wasiirka Duulista oo ka warramay Shir Somaliland iyo Soomaaliya kaga wadahadleen Muranka Hawada oo Turkiga lagu soo gebo-gabeeyey

“Wax Heshiis ah oo aannu kala saxeexannahay ama aannu meel ku ururuninnay oo Warbaahinta iyo dalalka aannu ka kala nimid ku celinnay ma jiro..”

“Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal..” Wasiirka Duulista Somaliland

Hargeysa, 22 October, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qaybgaleen dalka Turkiga, isla markaana lagaga wadahadlayay Hadawa Somaliland iyo Soomaaliya.

2Shirka oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socota Hay’adda Duulimaadyada u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee ICAO iyo Madax ka tirsan dawladda Turkiga, waxaa lagaga wadahadlay masuuliyadda iyo maamulka duullimaadyada hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland iyo Soomaaliya ku muransan yihiin habka maamulka looga soo wareejinayo Qaramada Midoobay.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland oo gelinkii dambe ee shalay dalka ku soo laabtay, ayaa Madaarka Cigaal kula hadlay Warbaahinta, waxaanu sheegay in waxyaabaha shirkaa lagaga wadahadlay, waxyaabo badan isku afgarteen oo ah dhanka Farsamada, isla markaana waxa uu tilmaamay in wixii siyaaasadda ee kala quseeya Siyaasadaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ee la xidhiidha dhanka Hawada in lagu celiyo shirka wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Horta waxaanu ka qayb gallay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ka furmay dalka Turkiga,shirkaasoo ahaa shir afar geesood ah oo ay ka wada qayb galeen masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,dalka Turkiga iyo Hay,adda duulimaadydada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee ICAO. Runtii waxaa u ahaa shir wayn oo masuuliyiin badani dhanka Somaliland uga qayb gashay oo ay igu wehelinayeen Wasiir ku-xigeenka iyo masuuliyiin kale.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa uu intaas ku daray in shirka ay Masuuliyiinta Soomaaliya isku soo hor fadhiisteen ee ka qabsoomay dalka Turkiga arrimaha wadahadalka hawadu in uu yahay mid xaasaasi ah oo u baahan bisayl iyo deggenaan oo aan faa’iido  lagaga gaadhayn deg-deg iyo caaddifad.

Maxamuud Xaashi oo arrimahaas sharraxayaa, waxa uu yidhi; “Wax Heshiis ah oo aannu kala saxeexannahay ama aannu meel ku ururuninnay oo Warbaahinta iyo dalalka aannu ka kala nimid ku celinnay ma jiro, waxan aan dareensanahay inaad ogaan lahaydeen, hasayeeshee wax ka soo baxay in aanu runtii wax badan ka wada hadlanay arrimihii farsamada, anaga oo kaashanayna Haya’adda ICAO, waxa  aan is leeyahay wax badan ayaanu jiclinadlay.”

Waxa uu Wasiirka Duulista oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Waxaa jirta arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda maaha mid fudud maaha mid deg deg iyo caadifad lagaga arriminayo waana taa ta loo baahan yahay in ay wada ogsoonaadaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shirkaa aanu Soomaaliya wada yeelanay ee ay nalaga soo qayb galeen madaxda Hay,adda ICAO iyo labada wasaaradood ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.”

“Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaa,dii ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo. Laakiin, annagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay,adda ICAO. Wax badan ayaanu arrimihi farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment