Monday, October 26, 2015

Masuuliyiintii Ugu Cuslaa Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo Iscasilay

 

Hargeysa (Himilo)-Qaar ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus, wasiiro ku xigeenada iyo agaasimayaasha xukumadda Somaliland ayaa maanta si  rasmi ah u shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen.

Ilaa had ma cada sabbabta rasmiga ah ee wasiiradani isku casileen a balse  wararka aan Wargeyska Himilo ka helayo xubno ka agdhaw  masuuliyiinta is casilay ayaa sheegay inay in iscasilaadani dabasocoto  kadib markii xalay madaxwaynaha Somaliland iskugu yeedhay wasiirada Beeshiisa islamarkaana u cadeeyay Inuu tageersanyahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Halkan Ka Akhriso tirada wasiirada, wasiiro ku xigeenada iyo agaassimayaasha ilaa imika Is casilay.

 

 

1:Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis;

2:Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan;

3:wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali;

4:wasiirka  Hawlaha  guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif.

5: Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid;

6:Wasiir ku xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan'

7:Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan;

8:Wasiirku xigeenka Ganacsiga

9:Afhayeen Madaxtooyada Somaliland

10:Agaasimaha Wasaaraha Warshadaha.

Masuuliyiinta oo warbaahinta  la  hadlay ayaa sheegay inay  iska casileen xilkii ay qaranka u hayeen.

Waxaa iyana la filayaa inay saacadaha soo socda ay xilka ka tagaa masuuliyiin ka tirsan xukuumada Siilaanyo.

Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa  loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis ku saaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

 

Wixii Warar ah ee soo kordha kala soco Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment