Sunday, October 25, 2015
Wasiir Qarxiyey Sir Culus oo ka dhaxaysa Muuse Biixi iyo Marwada Madaxweynaha & Cidda bixisay Amar RRU loogu adeegsaday Is-bahaysiga Musharrixiinta KULMIYE
Hargeysa, 25 October, 2015-(Himilo)- Wasiirka Beeraha Somaliland Maxamed Aw Daahir, ayaa kashifay heshiis iyo wada shaqayn qarsoodi ah oo ka dhexeeya Marwada Madaxweynaha Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Garabka Xisbiga Kulmiye ee taageersan Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan tartanka Musharraxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo la qaban doono 10-ka bisha November ee 2015-ka.
Wasiirka Beeraha Somaliland waxa uu sidaa ka sheegay kulan uu Jimcihii magaalada Hargeysa kula yeeshay xubno ka tirsan Xubno Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ka tirsan oo ka soo jeeda gobolka Gabiley, kuwaasoo uu ku xod-xodanayey inay ku soo biiraan garabkooda oo uu sheegay inay taageero ka haystaan Xukuumadda iyo Qoyska Madaxweynaha-ba, gaar ahaan Marwada Madaxweynaha Aamina-Weris, sidaas aawadeedna aanay suurto-gal ahayn in Musharaxooda laga guulaysto.
Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa kale oo uu wax-ba kama jiraan ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisu dhex-dhexaad u yihiin Musharraxiinta ku tartamaya Shirka Golaha dhexe ee Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxaanu ku dooday in hadalka ku saabsan in Xisbiga Kulmiye si caddaalad ah loogu tartamayo iyo in Madaxweynaha iyo Marwadiisu dhex u yihiin Ragga ku tartamaya Xisbiga Kulmiye uu yahay hadal siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin, balse xaqiiqadu tahay in Marwada Madaxweynuhu dhinacooda la socoto oo ay Muuse Biixi dhisayso.
“Haddii aad arrintaas caddaynteeda I weydiiseen waxaan idiin sheegayaa oo aan been ahayn maalintii dhaweyd ee Madaxweynaha iyo Weftigii la socdey u ambabaxayeen Ireland iyo Ingiriiska habeenkii ka horreeyey waxaa Madaxweynaha la ballansanaa niman reer Nuux Ismaaciil ah oo uu soo abaabulay ninkan Wasiirka Khaarajiga ah ee dhawaan magaca cusub loo bixiyey! Muxuu ahaa magacii? Habeenkaas laftiisa ayaaba magaca loo bixiyaye…..!” Sidaa oo yidhi ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir sida ay Baahisay Shabakadda Hadhwanaagnews oo aannu warkan ka soo xigannay xalay.
Wasiirka oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Waxa maalintaas ay caawa oo kale nimankaasi Madaxweynaha la kulmayeen ayaa gelinkii dambe iyada oo aannu aniga iyo Shucayb Wasiirka Wershadahu joogno Geed Ballaadh oo aannu Riiggii la qodayey arrintiisa u tagnay ila soo hadashay Aamina-weris Marwada Madaxweynaha, waxaanay igu tidhi caawa waxaa Madaxweynaha la ballansan Odayaal Sacad Muuse ah oo uu Maxamed Biixi wato, arrinta ay ka hadlayaanna waa arrintii shirka Kulmiye iyo Musharraxnimada Maxamed Biixi oo ay leeyihiin Muuse ma taageeri kartid, markaa Wasiirradiinnii Sacad Muuse ee Muuse Biixi taageersanaa waa inaad kulankaas goob-joog ka noqotaan, oo Odayada Madaxweynaha loo keenayona ogaataan oo qaar idinka idin taageersan ku soo darsataan. Markaa, u sheeg arrintaas Wasiirrada kale ee Shucayb iyo Muuse Qaasim-ba, Samsam-na anigaa u sheegi doona, dabadeedna aniga iyo Shucayb-ba halkii baannnu ka soo cararnay.”
“Waxa kale oo ay la hadashay Muuse Biixi iyo Qolyihii kale ee halkan joogay oo ay ku tidhi fadhiga ka kaca oo idinkuna isa soo abaabula oo markay nimankaasi Madaxweynaha u yimaaddaan idinkuna u kaalaya oo idinba Sacad Muuse ayaad tihiine u sheega Madaxweynaha inaydaan la qabin waxa nimankaasi wataan. Wixii halkaas ka dhacayna waatii aad maqasheen ee aniga iyo Shucayb aannu kaxaynay qoladii dhinacayaga, ee weliba aannu annagu Madaxweynaha ka hor aragnay qoladii kale ee ballantoodu naga horreysay, taasi miyaanay caddayn idiinku filayn in Marwadu annaga nala socoto oo wax dhex-dhexaad la yidhaahdaa aanu jirin?” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Aw Daahir.
Wasiirka Beeraha Somaliland waxa uu sheegay inuu hayo caddaymo intaas ka badan oo uu ku muujin karo taageera Muuse Biixi ka haysto Madaxtooyada, waxaanu yidhi; “Haddii aad u baahan tihiina boqollaal caddaymood oo kale ayaannu idiin haynaa waa haddii aad intaas ku qanci weydaan. Markaa adeer been idiinma sheegayno’e na rumaysta oo waxaannu diiddannahay inaad cidla ku dhacdaane na raaca oo haddaad cid taageeraysaan ninka wax haysta ee dawladdu wadato taageera.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo awoodda Garabka Muuse Biixi u muujinayey xubnaha uu la kulmay, waxa uu sheegay in Ciidammada RRU-du Sabtidii toddobaadkii hore Musharraxiinta ka soo horjeeda ama la tartamaya Muuse Biixi Shir ay ku baaqeen inay ku qabsanayaan Huteel Maansoor laga hor-istaagtay, amarka lagaga hor-istaagayna ka sokow Madaxweyne Ku-xigeenka oo sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha markaas ahaa ay Marwo Aamina-waris amar ku soo siisay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland inay shirkaas hor-istaagaan,. Sida ay baahisay Hadhwanaagnews oo aannu warkan ka soo xigannay. Hase-yeeshee, Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Yuusuf oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu warkan wax ka weydiiyo xalay, ayaa ka gaabsaday, isla markaana sheegay inaanu ka hadlaynin oo uu shir ku jiro, shirka ka dibna ka hadlaynin.
Warkan ayaa ku soo beegmay maalin ay Madaxtooyadu beenisay War ay Saxaafadda dalku badi baahisay oo sheegayey in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay inuu Taageero Hiil iyo Hooba leh isla garab-taago Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii Habeennimadii Jimcaha ay kulan la yeesheen Xubno Golaha dhexe ee KULMIYE Beelaha Subeer-awal kaga jira iyo Odayaal Beeshaas ah oo Muuse Taageersani Madaxweynaha u gudbiyeen Codsi ah inuu Taageero Muuse oo taageerada Beeshiisa wata, haddii uu Madaxweyne ahaan sharraxan yahayna ay Beel ahaan dhisayaan, haddaanu sharraxnayna uga fadhiyaan inuu Muuse dhiso, sidaasna uu aqbalay, balse uu Afhayeenka Madaxweynuhu beeniyey Maalinnimadii Jimcaha inaan warkaas waxba ka jirin ee uu Madaxweynuhu dhex u yahay Musharrixiinta KULMIYE.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment