Tuesday, October 27, 2015
Kulmiye Qaranimada Waxa Kala Weyn Kursiga “Haddii La Yaabo Yaasinka”
Xisbiga Kulmiye markii uu mucaaradka ahaa wuxuu isticmaali jiray xaalado guracan iyo xaalad abuur oo marar badan dalka halis galiyey.
Kulmiye wuxuu aaminsanaa in dariiqo kasta oo xukunka lagu gaadhi karaaba xallaal yahay, tusaale ahaan ragga hormoodka ka ah ee xisbiga dhawr jeer waxay soo jeediyeen in dagaal laga rido dalka oo xukunka si aan sharci ahayn loo maroorsado waxay ku dedaali jireen inay fashiliyaan maamulka si aanay waxba u kala socon (ku-jiqsii) xattaa waxay isku dayeen inay is hortaagaan mashaariic wax badan taray Somaliland sida dib u habayntii Haamaha shidaalka ee shirkadii TOTAL, Maxjarkii Al-Jaabiri iyo kuwo kale, may jeclayn inuu dalku ictiraaf helo iyaga oo aan la wareegin awooda dalka, waxay maalgelin jireen dagaal beeleedyo u dhaxeeya qaar ka mid ah beelaha Somaliland, waxay necbaayeen ciidamada amaanka, guurtida iyo dadka samo taliska ah iyaga oo ka duulaaya qaacido xun oo tidhaahda (the end justifies the means) sidaas daraadeed dambi ma aha haddii la yidhaahdo Kulmiye qaranimada waxa kala weyn kursiga.
Akhriste waxa xusid mudan oo xiiso leh iyaga oo sidaa dhaqankoodu yahay ayey haddana waxay ku doodi jireen in Kulmiye dalka uga lexo jeclo badan yahay madaxweynaha la doortay (Rayaale) iyo madaxda kale ee qaranka oo uu dhibaayo musuqmaasuqa iyo boobka hantida ummaddu oo ay ka damqanayaan nolosha bulshada danyarta ah iyo daryeel la’aanta naafada iyo agoomihii SNM.
Haddaba naxariista iyo waddaniyada Kulmiye ee aan uurka jirin waxaan ku xasuustaa sheekadii Yeyga ee soo huwaday haragii laxdii uu cunay si aanu adhigu uga didin, sidaa waxaa ka dhigan dadkii rumaystay ee shalay Kulmiyoow lahaa oo maantana dhabanka iyo gacmaha isku haya markii ay arkeen midabkii Kulmiye ee runta ahaa, ninbaa laga sheegay haddii la yaabo Yaasinka.
Kulmiye wuxuu ka kooban yahay aasaasayaashii ururka iyo dadkii kaga soo biiray ururadii ku hadhay doorashadii 2002. Ururadu isku wada aragti may ahayn Kulmiyena lamuu aragti ahayn kuwa kale.
Kulmiye wuxuu rabay inuu helo taageerayaal badan kuwa kalena waxay doonayeen inay awrkooda ku kacsadaan waxa kaliya ee ay ka midaysnaayeen wuxuu ahaa inay xukuumadda madaxweyne Rayaale ridaan sidaas daraadeed waxay gaadheen Isfaham in xisbiga Kulmiye uu noqdo dallad (Umbrella) ay ku wada hawl galaan. Faraqii u dhaxeeyey wuxuu soo baxay markii xisbigu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 2010 markii qaar ka mid ah laga reebay dhismihii xukuumadda cusub kuwa lagu darayna sanadkii ugu horreeyeyba kala boodeen.
Kulmiye waligii ma noqon haddana noqon maayo xisbi midaysan oo meel u wada jeeda, waxay faanaanba ceebtoodii waxay soo baxdaa mar kasta oo la qabanaayo shirweynaha xisbiga. Kala duwanaanshaha iyo khilaafka kooxaha ka sakow Kulmiye wuxuu ku caanbaxay xattooyada codadka dhamaan wixii doorasho ka dhacay dalka iyaga oo isticmaalaya xeelado kala duwan.
Haddaba marka Kulmiye dhexdiisa ka tartamayo way adag tahay si laysku aaminaa sababta oo ah waxa laysla garanayaa tabihii iyo farsamooyinkii loo adeegsan jiray xisbiyada kale sidaa awgeed waxa laga baqayaa in hirdanka musharaxnimada Kulmiye noqda miino ku qaraxda Somaliland haddii aan shirka ka hor wax badan lagu sii heshiin.
Si kastaba ha ahaatee shirweynaha shanaad ee xisbiga haddii si xun loo maamulo ama lagu fashilmo wuxuu saamayn ku yeelan doonaa geedi socoka maamulka dawliga ah iyo xasiloonida dalka sababta oo ah kulmiye waa xisbigii iyo xukuumaddii xukumaayey dalka.
Waxaan ku soo gabgabaynayaa dhawaan waa la arki doonaa Kulmiye inuu noqdo xisbi masuul ah oo dimuquraadi ah sida ay sheegtaan iyo inuu noqdo xisbigii sharka sida badi rayul caamku qabo.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment