Tuesday, October 27, 2015

NORWAY: Guri ay degganaayeen Qoys Soomaaliyeed oo ka kooban 12 qof oo la gubay

 

 

Norway, 27 October, 2015-(Himilo)- Koox aan haybtooda la aqoonsan ayaa habeen hore Weerar ku qaaday Guri ay degganaayeen qoys Soomaaliyeed oo ka kooban 12 qof, kuwaas oo ku noolaa Magaalo ku taala dalka Norway.

Kooxda Weerarka geysatay ayaa Saqdii dhexe ee Habeen hore dab qabsiiyey Guriga oo ay hurdaan qoyska Soomaaliyeed oo ka koobnaa lix qof oo waaweyn iyo lix Carruur ah, sidaana waxa sheegtay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Wax khasaare ah oo dhimasho ama dhaawac ahi ma soo gaadhin qoyska Soomaaliyeed ee gurigooda la gubay, ilaa haddana waxa Ciidammada ammaanku baadhayaan ciddii ka dambaysay falkaas arxan darada ah oo lagu xidhiidhiyey qoxooti nacayb ku soo kordhaya dalalka Norway ka mid tahay.

Wariye ku sugan dalka Norway ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA uga waramay sida uu u dhacay weerarka lagu gubay Guriga ay degganaayeen qoyska Soomaaliyeed waxaanu yidhi, “Guri ku yaala Magaalo dhanka galbeed ee dalka Norway ku taalla oo ayu degganaayeen qoys Soomaaliyeed oo ka kooban 12 qof oo lix ka mid ahi Carruur yihiin ayaa dab la qabadsiiyey saqdii dhexe ee Xalay (Habeen hore) sida Warbaahinta Norway sheegtay.”

Wariyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay inaan cidna loo qaban falkaas, “Booliska oo ka hadlay waxay sheegeen in aanay weli cidna u hayn falkaa, laakiin waxay sheegeen inuu yahay fal si ula kac ah loo sameeyay, waxa kale oo ay sheegeen inay guriga agtiisa ka heleen tanag uu shidaal ka dhamaaday.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku sii daray, “Ilaa hadda cid ku dhimatay ma sheegin Boolisku, qoyskii guriga lagu gubayna dawladda Hoose ee Magaalada uu ku yaalay guriga la gubay ayaa geeyay meel ay ku noolaadaan.”

Wariyaha oo la waydiiyey waxa loo maleynayo inuu weerarku salka ku hayo ayaa ku jawaabay, “Weerarkani wuxuu salka ku hayo lama garanayo, laakiin waxa loo badinayaa inuu la xidhiidho qoxooti nacayb ku soo badanaya dalalka Yurubta Galbeed.”ayuu yidhi.

 

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment