Thursday, October 22, 2015

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Qalab kuwa Shirkaduhu Waddooyinka ku dhisaan ah oo dhammaystiray soo iibsatay

Hargeysa, 22 October, 2015-(Himilo)- Maayerka Caasimadda Hargeysa iyo Xildhibaanadda Golaha deegaanka Hargeysa,  ayaa markii ugu horreysay dalka keenay Qalab dhammaystiran oo waddooyinka lagu dhisi doono.

[gallery columns="4" ids="24481,24480,24478,24475"]

Qalabkan cususb oo isugu jira Gaadiidka loo adeegsado samaynta waddooyinka casriga ah, isla markaana ah Qalab ay Shirkadi ku shaqayn karto oo dhammaystiran sida ay Masuuliyiinta dawladda Hoose sheegeen, waxaana iska leh dawladda Hoose ee Hargeysa oo ka soo iibsatay Shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Itoobiya, kuwaasoo qayb ka qaadan doona dhismaha waddooyin badan oo Caasimaddu yeelato, waxaanay Shirkaddii kaga hortageen magaalada Wajaale ee ku taalla Xadka ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan oo ay kagala soo wareegeen Shirkadda laga iibsaday.

Shirkadda waddooyinka dhisi doonta oo ah mid dawli ah, ayaa waxa soo dhaweeyey Wefti uu hoggaaminayo Maayerka Caasimadda oo ay la socdaan dhammaan Xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa oo ku faraxsanaa qalabkaas waddooyinka oo ay sheegeen inay ka raysan doonaan kharashkii kaga bixi jiray kireynta qalabka ay waddooyinka ku samayn jireen.

Xoghayaha dawladda Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabbi, ayaa sheegay in qalabkan u yimid qayb weyn ka qaadan doono horumar baaxad leh oo Caasimaddu ku tallaabsato muddooyinka soo socda, waxaanu yidhi; “Sannad gudihii waxaynu arki doonnaa waddooyinkeenna oo la tartama waddooyinka Adduunka ama kuwa jaarkeennaba, waa qalab ka kooban Shirkadda dhan oo qalabkeedu u dhammaystiran yahay oo isugu jirta tii waddada qodaysay, tii qasaysay Daamurka, tii lagu habaynayey, iska Rogooyinkii, waana qayb ka mid ah Wershaddii, waxa iyana soo socda qaybtii kale, waxaan oo dhan isku qasaysay ee waddooyinka hagaajinaysay, ballanteennu waa shaqo, insha allaah waxaan arki doona waddooyin hilaacaya ayeynu arkayna, wax badana waa laqabanyaa wax badana way inoo fududeynaya, aadna waan ugu faraxsanahay.”

Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelko), ayaa sheegay qalabkani wax badan ka tari doono wadooyinka loo baahan yahay, waxaanu tilmaamay in qalabkan oo dhamaystiran ay noqon doonto shirkadda dawladda hoose yeelato oo u qaabilsan uun dhismaha wadooyinka, taas oo wakhtigii hore lacag badan kaga bixi jirtay kireynta qalabka lagu dhiso wadooyinka.

“Waxa farxad weyn noo ah in Shirkadda Itoobiya ee METEC kala wareegno qalabkii waddooyinka ku dhisi lahayd oo dhammaystiran oo wax ka dhimani aanay jirin, waana markii ugu horreysay ee dalka la keeno qalab caynkan oo kale ah, afar isku rogo, karasharkii, kuwii wadooyinka habaynayey, kuwii isku qasayey iyo qalab faro badan, inta dhimana dhexday ku soo jiraan, waxaan u mahad-naqayaa Golaha deegaanka oo soo iibinta qalabkan u soo bandhignay oo nagu taageeray iyo saddexdii Xildhibaan ee markii heshiishka la galaynay Shirkaddan nala socday ee ku calool-adeegay in qalabkan la wareegno.” Sidaa ayuu yidhi Maayerku.

Waxaanu Maayer Soltelco oo sii watay hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi; “Waxa kale  oo aan u mahad-naqayaa Guddoomiyaha Jaamacadda Admas Cadnaan oo dhex-dhexaadinta annaga iyo Shirkaddda qayb ka qaatay, marka Shiinaha qalab laga soo iibsado haddii wax ka xumaadaan way ku adag tahay sidaad ku hesho. Laakiin, waddanka jaarka ah way ka fiican tahay oo jaarka dhaqaalaha u kala wareega, waxaanay noogu dareen tobobbarro lagu habayn doono qalabkan, iyo farsamaqaannadii oo tobobbari doono shaqaalaha reer Somaliland iyo qalabkii lagu dayactiri lahaa oo gaadiidka la socda, aad baan ugu mahad-naqayaa dadka xidhiidhkaasi ka dambeeyey.”

Sidoo kale, Maayerka Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, ayaa isna soo dhaweeye qalabkan cusub ee dawladda hoose ee Hargeysa la soo degtay, waxaanu ku amaanay horumarka uu ku talaabsaday maayarka Caasimaddu. Sidoo kale, waxa iyaguna si weyn u soo dhaweeyey Xildhibaannada Golaha deegaanka oo aan u kala hadhin soo dhaweynta qalabkan, oo ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin. Xildhibaannada halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Axmed Daahir, Xildhibaan Maxamed Wayrax, Xildhibaan Ilyaas, Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare, Xildhibaan Cabdilllaahi iyo Xildhibaan Maxamed Timacade, kuwaas oo shacabkoodda ugu bushaareeyey inay heli doonaan wadooyin tayo sare leh oo ka kharash yar kuwii hore u samayn jireen maadaama oo qalabkii ay haystaan, isla markaana ka raysan doonaan.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment