Sunday, October 25, 2015

Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE ugu jira Beesha Bariga Burco oo taageero u ballan-qaaday Musharrax Kijaandhe

 

Hargeysa, 25 October, 2015-(Himilo)- Qaar ka mid ah Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE kaga jira Beesha Habarjeclo, siyaasiyiinta, Xildhibaanno iyo waxgaradka ka soo jeedda beeshaas ayaa taageeray Musharraxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka Musharraxa Madaxwaynaha ee KULMIYE uga dhex tartamaya shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas.

Munaasibad hadhimo-sharafeed ah oo uu Musharrraxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) u sameeyay  Xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE kaga jira beesha Habarjeclo, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kale, ayaa lagu qabtay hotel Hadhwanaag ee Caasimadda Hargaysa, waxaanna ka soo qayb-galay Suldaanka guud ee Beesha arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi (Suldaan Laydh), Guddoomiye ku-xigeenka 2aad golaha Wakiillada Cali Yuusuf Aw Axmed, Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiir ku xigeenka Wasaarada xidhiidhka goleyaasha Mawliid Maxamed Karraani, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Madashaas ka hadlay ayaa sheegay inay beesha Habarjeclo uga fadhiyaan inay maanta ku taageeraan Musharraxa Madaxweynaha ee KULMIYE ku tartamaaya Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), waxaanu yidhi; “Marka hore waxaan sidii Raggii horeba sheegay aan u mahad-celinayaa Xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Habarjeclo sida quruxda badan ee ay u soo ajiibbeen Hadhimo-sharafeedkan aynnu u fadhino, markaan intaas ka gudbo Walaallayaal ujeeddada aannu idin martiqaadnay waa hal qodob uun waxaad ogtihiin in beeshani uu ka sharaxan yahay Musharrax Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka dhex tartamaaya Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, damcan xubanaha golaha dhexe waxay ka soo jeedaan Beelaha reer Somaliland, markaa waxaannu doonnayna shirka golaha dhexe ee tobanka bisha soo socota inaad idinku taageertaan Murashaxnimada Kijaandhe oo aad Xubnihii golaha dhexe ee beesha Habarjeclo na garab istaagaan.”

Siyaasiga Cabdikariim Xinif oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu sheegay in abaal biiray ay Beesha Arab ku leedahay Beeshooda, waxaanu sheegay inay abaalkaas gudayaan oo aan lagu hungoobayn, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaan idin sheegayaa oo aad ku tallo-galaysaan inaydaan nagu hungoobi doonin oo aad taageero buuxda aad naga helaysaan, waxaanad ogtihiin in reero kalena ay wax doonayaan oo culays badani jiro, markaa haddii aannu isku dhammaan wayno ha nala yaabina.”

Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Aad ayaan ugu mahad-celinayaa madax-dhaqameedka iyo Siyaasiinta beesha bariga Burco oo naga ajiibay martiqaadkayagii  aanu u fidinay, waxaanan idin leenahay walaaltinimo iyo qalbi furan ayaanu idinku soo dhawaynaynaa, waxaanan idiinka fadhinaa inaad taageertaan Musharaxnimada Kijaandhe.”

Musharrax Kijaandhe oo isna Hadhimo-sharafeedkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Marka hore waxaan idiinka mahad-celinayaa sida aad sii soo sharafteen ee aad iigu timaadeen, sidaad Ogtihiin waxan ahay Musharrax ka dhex tartamaya Xisbiga KULMIYE oo ah musharax Madaxweyne waxaan is idhi walaahi maanta waxaad abaal-gudkii Xisbiga ka helaysaa adigoo  isu sharaxa, kaadhkaygu idinka ka reer ahaan ayuu idin saaran yahay haddaan reerka cidi u sharaxnayn waxan idiinka fadhiyaa in aad i taaggeertaan.”

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali iyo Xubno kale, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo jeediyey sida oo kale in la taageero Musharraxnimada Jagada Madaxweynaha KULMIYE uu ugu tartamayo Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe), iyagoo ka mahad-celiyey Qado-sharaftaas.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment