
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Musharraxiinta Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe oo si wada jir ah Shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbigaas ayaa nuxurka heshiiska ay gaadheen u faahfaahiyey Saxaafadda.
Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha KULMIYE oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Shir kastaa wuu leeyahay buuq iy o buraan, laakiin xikmaddu waxay ku jirtaa sida loo xakameeyo, aniguna in badan baa ka hadlay oo aan idhi KULMIYE leeyahay awooddaa. Halkan waxa jooga Musharraxiintii oo dhan, Guddiga fulinta iyo Wasiirro qoladayada hoggaanka wax ka tirsanaysay waxoogaa dhaliilo ah xaqna waa la noogu leeyahay Maadaama oo aanu xilka hayno in wax la naga tabto. Annaga waxa nagu waajib ahayd inuu u caddayno hadduu jirana aanu qaadanno qaladka, haddii aanu jirinna wixii shaki ah meesha laga saaro, haddana waxaanu Maanta (shalay) joognaa iyada oo wixii ba meesha laga saaray oo annaga oo midaysan aanu shirkayaga qabsanayno.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Waxaan aad ugu Mahad-naqayaa saaxiibbadayada wax naga tabanayey oo aanu soo ladqabaysanay, Mahadsan yihiin waa inoo midnimada KULMIYE iyo tartan xalaala.”
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis ahna Musharrax u tartamaya Jagada Madaxwayne-nimo ee xisbiga KULMIYE ee shanta sannadood ee dambe oo isaguna halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxa farxad noo ah dhammaantayo annaga oo ogol in KULMIYE ahaado Xisbul-xaakimkii, Midnimadiisu Muqadas naga tahay, in nabadda Waddanku Muqadas naga tahay, inaanu jecelahay in tartan Xalaala oo loo siman yahay uu dhaco. Anigga oo ah Musharrax waxaan hambalyeynayaa inaanu isku nimid oo aanu gacmaha is haysanno.”
Musharrax Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in khilaafka laga heshiiyey uu ahaa dimuqraadiyaddii oo shaqeynaysay. “Markii horeba ceeb ma jirin ee kala qaybsannaata afkaartu waxay ahayd Dimuqraadiyadda oo shaqeynaysa ee dad KULMIYE u cadow ah ayuun baa sheegayey in la kala qaybsanaa.” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiinta shirka jaraa’id ka hadlay ayaa si kooban u sharaxay qodobbada lagu heshiiyey waxaanu yidhi, “Waxa lagu heshiiyey in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbigii KULMIYE, hoggaankiisu sidiisa yahay, shaqadii socotayna (Diyaarinta qabashada shirka Golaha dhexe) dib loo eegi karo, cidda shaqadaa qabanaysa ee wixii hadhay dhamaystiraysaana tahay hoggaanka Xisbiga oo lagu kordhiyey la taliye ah Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ahaa guddoonkii Shirweynihii Golaha dhexe lagu doortay waxaanu u noqonayaa Marjac.” Kulankan lagu shaaciyey heshiiska ay gaadheen dhinacyada xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka maqnaa Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Musharraxiinta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment