Sunday, October 25, 2015

Safiir Baashe Cawil iyo Wefti Imaaraadka Carabta oo maanta dalka yimid iyo ujeedada socdaalkooda

 

Halka ay raaci doonto taageerada Safiir Baashe Cawil oo Musharraxiinta Kulmiye si dhaw ula socon doonaan

Hargeysa, 25 October, 2015 (Himilo)- Safiirka Somaliland u qaabbilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar oo horkacaya wefdi ka socda xukuumada Imaaraadka ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ee Cigaal.

Weftigan oo ka kooban  saddex xubnood, isla markaana saddex maalmood booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka ayaa la filayaa inay muddada booqashadooda kulamo la yeeshaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xubno ka tirsan Masuuliyiinta Xukuumada.

Imaatinka weftigan ayaa noqonaysa markii afraad ee xubno ka socda dalka Imaaraadka oo uu horkacayo safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil dalka keeno, tan iyo markii loo magacaabay xilkan dhowr bilood horteed, ayaa la filayaa muddada ay joogaan ka soo baxaan talaabooyin lagu kobcinayo xidhiidhka labada waddan wadaagaan.

Booqashada weftigan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ku soo beegmaya xilli xidhiidhka u dhexeeya Somaliland uu horumar sameynayey, sidoo kale waxay ku soo beegmaysaa booqasho horaantii bishan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanyo ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana wada xaajoodyo ku saabsan iskaashiga labada wadan la yeeshay masuuliyiinta dalka.

Geesta kale, Imaatinka Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar oo ku soo beegmay xilli Musharraxiin kala duwan oo xisbiga Kulmiye ah u tartamayaan hanashada kalsoonida xubnaha golaha dhexe, ayaa la filayaa in taageeradiisa uu siiyo dhinacyada tartamaya saamayn yeelan doonto, isla markaana dhinac walba si dhow ula socon doonto halka ay raacdo.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

 

No comments:

Post a Comment