Monday, October 26, 2015

Musharax Kijaandhe oo ka Hadlay Safashada Madaxwayne Siilaanyo ee Muuse Biixi Fariin Adagna u Diray Madaxweynaha Iyo Shacabka.

 

“Madaxwaynaha Dimuqraadiyad Ayaa lagu Doortay… Dadka maanta dalka lexejeclo ka hayso waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeyd….. Axmed Iyo qoyskiisu waxay isleeyihiin Ninbaad dhisaysaan ee dalkii bay burburinayaan ee halaga Qabto dalka.”Musharax Kijaandhe.

Hargeysa (Himilo)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mida musharaxiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE ayaa markii u horaysa ka hadlay kulan madaxwayne Siilaanyo la yeeshay Wasiirada beeshiisa islamarkaana uu taageero ugu waydiinayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Xildhibaan Kijaandhe waxaa uu sheegay in aanu madaxwayne Siilaanyo ka filany inuu la safto musharax ee uu daacad ka ahaado musharixiinta ku hirmadayana Xisbiga KULMIYE maadaama uu madaxwayne Siilaanyo u balanqaaday musharixiinta in ay galin doonaan doorasho xor oo xalaala.

Balse madaxwaynaha jamhuyirada Somaliland ayaa la saftay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi taasi oo uu xildhibaanku tilmaamay in dalka la burburinayo islamarkaana uu madaxwayne Siilaanyo burburinayo dimuqraadiyada shacabka.

Video-gan ka daawo Musharax Kijaandho oo ka hadlaya Arimahan Fariina u dirayana Madaxwayne Siilaanyo.

https://www.youtube.com/watch?time_continue=112&v=w9MIm6UPCRs

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment