Tuesday, October 27, 2015
Musharax Maxamed Biixi Yoonis Muxuu ka yidhi Wararka sheegaya in dalka ay ka Wadaan Nabadgalyo Daro?
Waxaanu nahay maanta dad nabad u wada dalkan, waxaanu nahay dad waddanka jecel oo lexejeclo badan ka qaba.
Hargeysa (Himilo)-Wasiirkii hore ee arimaha Dibada Somaliland kana mid ah musharixiinka ku Loolamaya Xisbiga KULMIYE ayaa markii u horaysay ka hadlay warar sheegaya in ay isku casileen in nabada Ay Waxyeelaan.
Musharax Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sheegay inay Somaliland lexejeclo wayni ka hayso islamarkaana ay ka jecelyihiin masuuliyiinta ku doodaya in nabada la waxyeelaynayo.
Maxamed Biixi Yoonis waxaa kale oo uu sheegay in xilalkii wasiirnimo ay iskaga casilaan si ay u ilaaliyaan nabada Dalka, balse aanay ka suurtoobin inay marna waxyeeleeyaan nabadgalyada Waddan, isagoo xusay in diyaar u yihiin horumarinta dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad.
Maxamed Biixi Yoonis oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaanu nahay maanta dad nabad u wada dalkan, waxaanu nahay dad waddanka jecel oo lexejeclo badan ka qaba, dacaayadaha iyo beenta la sheegayo ee la leeyahay dhibaatay wadaan waxba kama jiraan”
Musharax Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa siiwataa waxa uu intaasi ku ladhay“Anakaa ka lexejeclo badan waxaanu maanta xilkii iskaga casilnay,lexejeclada aanu waddanka ka qabno iyo inaanu badbaadino oo aanu nabad iyo xasilooni ka shaqayno.Waxaanu nahay muwaadiniin usoo halgamay dalkan diyaarna u ah inaanu ka shaqayno nabadiisa, horumarka iyo dhaqaalihiisa.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment