Thursday, October 22, 2015

Wadaha Booyad Duleedka Berbera lagu weeraray oo ka warramay sida wax u dhaceen, Xukuumadda oo Ciidammo Dhoobtay, Dhaqdhaqaaqyada Jabhado bilaw ah iyo Wararkii u dambeeyey ee Xiisadda gobolka Saaxil

“Waxay galeen meel Waddada u dhaw, waxayna rasaas ku rideen Gaadhi Shacab ah oo ku sii socday Magaalada Burco, markaa buurta (Sheekh) ayay galeen. Ciidan baa ka daba tegay oo wuu ku maqan yahay.” Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar

 “Afar Nin oo wata Gaadhi Garande ah ayey ahaayeen oo hubaysan, waxay ku hubaysnaayeen 3 qori oo AK 47 ah iyo Hal Qori oo Baasuuke ah, markaa way..” Wadaha Booyad Duleedka Berbera lagu weeraray

Berbera, 22 October, 2015-(Himilo)- Kooxo ka cadhaysan Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, ayaa shalay weerar ku qaaday Booyad-Shidaal oo maraysay deegaanka Dara-godle oo u dhaxeysa Berbera iyo Hargeysa, waxaanay gaadhsiiyeen Khasaare Taayirrada iyo Taangiga Biyaha ka gaadhay, sida uu xaqiijiyey Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar.

Kooxda weerarka qaadday oo Taayirada ka fadhiisiyey Booyadda Shidaalka siday oo ka soo dhaamisay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Sabtidii ay Xukuumaddu ku wareejisay Shirkado gaar loo leeyahay, ayaa weerarkooda ka dib baxsaday, waxaana ku daba-jira Ciidammada ammaanka Somaliland oo rasaastaa ka dib laga diray Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxaana Ciidammo badan oo Boolis ah xalay lagu sheegay magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laas-geel ee badhaha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Wadaha Gaadhiga Booyadda ah ee la rasaaseeyey oo lagu magacaabo Cabdixakiin, ayaa Weriye Axmed Siciid oo ka tirsan Kalsan TV uga warramay sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in Gaadhigaas oo ah Nooca Shaambooga loo yaqaanno uu siday 75 Foosto oo Baadrool iyo Naafto u kala soocnaa, isla markaana ka soo qaaday Berbera oo uu u soo waday dhinaca magaalada Hargeysa.

“Afar Nin oo wata Gaadhi Garande ah ayey ahaayeen oo hubaysan, waxay ku hubaysnaayeen 3 qori oo AK 47 ah iyo Hal Qori oo Baasuuke ah, markaa way na joojiyeen, markay na joojiyeen Baasuuke ku dhufta ayay is-yidhaahdeen, laakiin wuu u dhici waayey, markaas intay gaadhiga laba ka soo degeen, ayey na yidhaahdeen dhulka u dega, ka dibna markay na dejiyeen waxay Rasaas kala dheceen Gaadhiga Taayirrada iyo Taangiga Biyaha.” Sidaa ayuu yidhi Darawalka Booyaddaas waday.

Sababta keentay Toogashada Gaadhigan, ayaa la xidhiidha xiisad ka dhalatay go'aanka ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, iyadoo Xukuumaddu xidh-xidhay shan Nin oo reer Berbera ah oo ka tirsanaa dadka dareenkooda ay kaga soo horjeedaan wareejinta Haamaha Muujiyey, kuwaasoo ay Guddi loogu yeedhay Guddiga Nabadgelyada gobolka Saaxil shalay Xukun deg-deg ah oo bilaa Maxkamad ah ku ridday muddo hal bil ah, isla markaana loo gudbiyey Salaasadii shalay Xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.

“Tuulada Darigodle la yidhaahdo oo dhanka Galbeed ka Xigta Berbera dhawr inan ayaa Waddada galay oo waxay rasaas ku rideen Booyad Shiidaal, waxayna ka fadhiisiyeen taayirada, cadhadana xogaa ayay ka gaadhsiiyeen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo BBC-da u warramay shalay.

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in dablay kale oo la aammisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kuwa Booyadda shidaalka weeraray ay Rasaaseeyeen Gaadhi shacab oo ku sii jeeday dhanka Magaalada Burco, waxaanu yidhi; “Waxay galeen meel Waddada u dhaw, waxayna rasaas ku rideen Gaadhi Shacab ah oo ku sii socday Magaalada Burco, markaa buurta (Sheekh) ayay galeen. Ciidan baa ka daba tegay oo wuu ku maqan yahay.”

Tallaabooyinka Amni-darro ee dadka reer Saaxil ee diiddan wareejinta Haamuhu ku kacayaan, ayaa ku soo beegmaya Xilli habeen-hore Guddiga Nabadgalyada gobolka Saaxil ay xukun deg-deg ah ku rideen Shan Nin oo reer Berbera ah, kuwaasoo Maxkamaddu hore u diidday sharciyeynta xadhiggooda, balse markii sabtidii la wareejinayey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera lagu xidhay isla magaaladaas, kuwaasoo Guddiga Nabadgelyadu ku xukumeen muddo hal bil ah, isla markaana loo gudbiyey Xabsiga dhexe ee Berbera, taasoo keentay in dad ka cadhaysan arrimahaas is-biirsaday ay is-urursadaan, isla markaana iyagoo Hubaysan rasaasayntaas ku kaceen.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa Munaasibad xogteeda la ilaaliyay oo lagu qabtay xarunta Haamaha waxaa lagu wareejiyay shirkadaha Shidaalka keena inay muddo 20 sano ah maamulaan Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Geesta kale, dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay dawladdu doonayso inay ammaanka deegaannada gobolka Saaxil ku adkayso, ayaa socda, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad ku kala sugan deegaannada Dacar-budhuq, Lafa-ruug, Berbera, Sheekh iyo Geel-loo-kor, goobahaas oo ay Ciidammo Boolis ah inta badan geysay dawladdu. Hase-yeeshee, waxay wararku intaas ku darayaan in Jabhado Hubaysani durba deegaannadaas ka bilaabmeen oo ka soo horjeeda go’aanka wareejinta Haamaha iyo Xukunka Shanta nin, kuwaasoo weli wax dhibaato ah oo ay geysteen oo kale aanay jirin, marka laga reebo Booyadda ay fadhiisiyeen iyo Gaadhiga Shacabka ee Badhasaabka Saaxil sheegay inay rasaaseeyeen. Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment