Saturday, October 3, 2015

“Aniga Haamaha isiiya, Aniga Dekedda isiiya, Aniga Isgaadhsiinta ii xidha, aniga wax walba ii xidha…Islaamku wuu la dagaallamay Kootada…” Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlay Kootada iyo halka Diinta Islaamku ka taagan tahay

Hargeysa, 03 October, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Diinta Islaamku ka soo horjeeddo Kootada nooc kasta oo ay tahay, isla markaana Kootada Baayac-mushtarka, waxaanu tusaale u soo qaatay dadka Kootada ku doonaya Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, Dekedda Berbera iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta.

 

 
Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sidaa ku sheegay Khudbaddii Salaadda Jimcaha ee shalay uu ka jeediyey Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo uu Tukiyo, waxaanu ka hadlay Kootada iyo halka Diinta Islaamku ka taagan tahay. “Lacagta Illaahay ku siiyey aad doonto dalka oo dhan Minabuli (Kooto) oo aad ku shaqaynayso; ‘Aniga Haamaha isiiya, aniga Dekedda isiiya, Aniga Isgaadhsiinta ii xidha, aniga wax walba ii xidha qorshahaagu uu yahay, Islaamkuna wuu la dagaallamay waxa la yidhaahdo Minabali (Kooto).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

 

 

 
Waxa uu Sheekh Aadan oo sii watay Wacdigiisa intaas ku daray oo uu yidhi; “Nebigaa C.S.W. la yidhi; ‘Rasuul Alloow Maxaad Raashinka Sicir ugu goyn-wayday?’ ‘Illaahay baa sameeya Sicirka oo Suuqa ayaa isa sameeya ee dhinacaaga ka soo gal oo shaqayso cid wax loo xidhayaa ma jirtee’ ayuu yidhi Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee (C.S.W). islaamku wuu la dagaallamay Kootada, Islaamku wuu la dagaallamay isku dul-noolaanshaha, Islaamku wuu la dagaallamay Danaysiga gaarka ah.”

 

 

 
Sheekh Aadan-Siiro oo ka hadlaya sida dad badani ku dhaqmaan inay Bulshada ku dul-noolaadaan oo iyaguuni faa’iidaan waxa uu yidhi; “Inaad tidhaahdo Dhiigga kuwaa bakhtiyaya aan ku noolaado Ribada ugu wayni waa taas. Ribada ugu weyni waxa weeye inaad u tartanto oo naftu kaaga baxdo inaad is-tidhaahdo kuwaa Bakhtiyaya ee Shanta shilin laga ururinayo ee aan Dhakhtar haysan ee aan Jaamacad tayo leh haysan ee aan Waddo la taaban karo haynin inaad doonto waxa yar ee soo gala Boqolkiiba Soddon Carruurtaada, Ehelkaaga iyo inta kugu xeeran aad ku xisaabtanto in waxaad ka helayso waa min sumxaanallaah. Haddii wadaadka halkan fadhiya xaqu kaa galo sumxaana-laah dhibaatadeeda ayay leedahay.”

 
“Islaamku wuu la dagaallamay xataa Wadaad ha noqdo Gadheer oo cilmi kasta leh, kuma xidhna Diintu, Xaqu kuma xidhna, wanaaggu kuma xidhna iska daa cid kale oo, ‘Xaqa soo baro markaasaad ehelkiisa baran doontaaye’ ayuu yidhi Cali Binu-Abidaalib. Islaamku uma yaqaanno in tirada badani xaq ku taagan tahay, macnaha hadday saddex meel wada taagan tahay macneheedu maaha labada ayaa xaqa ku taagan ee midku xaqa kuma taagna. Allaah nabadgelyada ha innoo adkeeyo, Somaliland gorgortan ma gelin karo qof kasta oo awood kasta leh ama magac kasta leh ama bulshada acyaanteeda ka mid ah ama nooc kasta ha ahaadee.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro).
Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment