Thursday, October 15, 2015

“Haddaannu WADDANI nahay Ciddaannu la tartamayno ee ka soo bixi doonta KULMIYE waxa Annaga Khatar nagu ah Maxamed Biixi Yoonis..”

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte

Hargaysa, 15 October, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo tartan culus ka dhexeeyo Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Musharraxiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE waxaanu sheegay inay jeclaan lahaayeen in Musharraxa doorashada uga qayb-galaya KULMIYE inaanu noqon Maxamed Biixi Yoonis.

xisbiga waddani iyo maxamed biixiXisbiga WADDANI ayaa muujiyay cabsi ay ka qabaan inuu ku soo baxo Musharrax Maxamed Biixi Yoonis haddii ay doortaan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo kala reebaya Musharraxiinta xisbigaasi

“KULMIYE ma jeclin inuu bur-buro, waayo? Waa Hay’ad Qaranku leeyahay oo u baahan in la dhiso, markaa maaha inuu burburo, Xisbigii UDUB wuxuu ahaa kii Axsaabta ugu da’da weynaa waannu ka xumaannay inuu meesha ka baxo.” Sidaa waxaa yidhi Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo sidoo kale ka mid ah Xisbiga WADDANI, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan qaba haddaannu WADDANI nahay ciddaannu la tartamayno ee ka soo bixi doonta KULMIYE illeen gooni kama nihine, waxa annaga Khatar nagu ah Maxamed Biixi Yoonis. Markaa, waxaannu hoosta ka jeclaan lahayn inay soo baxdo cid aannu ka helno doorashada.”

 

Xasan Sheekh oo Waxqabad la’aan lagu dhalliilay iskaga difaacay horumarka ka socda Somaliland

 

“Way jiraan dacaayado la ii soo jeediyo. Laakiin, anigu kama mid ihi Ururka Daamul-jidiid…” Madaxweynaha Soomaaliya

 

Muqdisho, 15 October, 2015-(Himilo) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iska difaacaya eedaha xukuumaddiisa uga yimaadda bulshada ee ku aadan in xukuumaddiisu ku fashilantay hawlaha loo igmaday ayaa ku dooday in horumar socdo, isagoo horumaro Somaliland samaysay oo uu telefishannada ka daawaday ku darsaday waxqabadkiisa.

Madaxweynaha ayaa is difaacidiisa ku daray guriga uu ku sugnaa marka uu khudbadaynayay oo dib u dhis lagu sameeyay iyo jidadka Somaliland ee xadhigga laga jaro, taasi oo uu ku macneeyay in Soomaalidu wax qabsanayso iyadoon cidi waxba tarin.

Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waddooyinka dalka oo dhan Min Hargeysa, Boorama ilaa Muqdisho iyo Kismaayo ka dhismaya ee maalin walba telefishanka laga arkayo ee dadka Soomaaliyeed beesada (Lacagta) ay jeebkooda ka bixiyeen ku dhismayaa miyaanay ahayn wax lagu faano oo aad loo jeclaysto.”

“Maxaa cirkaa soo dumay iyo balaayaa dhacday iyo waa la fashilmay loo leeyahay maxay tahay waa la fashilay? Waar umaddani ma fashilmin ee waanagan nool ee taagan, waanu soconaa oo horumar ayaanu samaynaynaa, shalay maanta ayaanu ka qurxoonahay, barina waa ka sii fiicnaan doonaa,” ayaa ka mid ahaa hadalka Xasan Sheekhg.

Geesta kale, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuu yahay musharrax isla jagadan uu ku fadhiyo u taagan marka la gaadho 201`6-ka, waxaanu yidhi; “2016-ka, waxaan ahay Musharrax u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya. Way jiraan dacaayado la ii soo jeediyo. Laakiin, anigu kama mid ihi Ururka Daamul-jidiid.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment