Saturday, October 3, 2015

Maraykanka oo Muwaaddiniintiisa uga digay Safarrada ay ku tegayaan qaybaha dalka Soomaaliya

 

Washington, 03 October, 2015-(Himilo)- Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaanay heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maafdaama oo aanay jirin Safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca Safarrada ama Socdaalka.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya aanu ahayn mid xasillloon maaddaama oo ay weli weerarro wadaan Ururka Argaggixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana ay damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay Muwaaddiniinta Mareykanka ee tega ama ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibedda Marekanka, ayaa ku boorrisay Maraakiibta caalamiga ah inaanay ku safrin Biyaha Badda Soomaaliya, iyadoo aanay la socon Maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga Biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista Budhcad-badeedda.

Mareykanka, ayaa sidoo kale sannadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya, ugana digay Muwaaddiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya. Sidoo kale, marar kala duwan ayey dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiskuba digniino tan oo kale ah ka soo saareen Safarka Muwaaddiniintoodu ku tegayaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya cabsi dhinaca ammaanka ah dartood.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment