Boorama (Himilo)-Mudaharaad rabshado wata ayaa saaka 9:00 subaxnimo ka dhacay caasimada gobolka Awdal ee Boorama.
Mudaharaadadan ayaa waxaa ay ka dhasheen kadib markii la isku afgaran waayay wiil shalay ciidamada booliisku ku togteen magaalada Boorama oo reerka uu kasoo jeedaa ku doodayaan in askarigii dilay la horkeeno sharciga.
Guriga uu ka deganyahay magaalada Boorama Taliyaha Qaybta Cabdi Barkhad Araweelo ayaa dadka mudaharaadayay dab qabad siin ka dib markii ay dadkii gurigaasi ku jiray ku amreen inay dibada uga soo baxaan guriga.
Wariye Goob jooge ahaa ayaa Himilo media u sheegay inaanu jirin khasaare dhimasho ama dhaawac ah balse ay gubatay dhamaan hantidii gurigaasi taalay.
Wixii Warar ah ee kasoo kordha mudaharaadan kala Soco Himilomedia.com
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment