Tuesday, October 13, 2015

Salaaddiinta, Ganacsatada iyo Culimada Reer Awdal oo Talooyin iyo Go’aanno ka soo saaray Xasaradaha hadheeyey Boorama, Mucaaradku-se maxay ka yidhaahdeen?

 

Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo si adag Xukuumadda ugu eedeeyey Rabshadaha Gilgilay Boorama

“Waxaan si adag isu dul-taagayaa oo aan uga hadlayaa nabadgelyada oo dhallinyarada xilligani aanay garanayn, waxaan leeyahay dhallinyarada iyo dad kale haka waantoobaan nabadgalyo darada…” Suldaan Dhawal

“Waxaannu go’aan ku gaadhnay in Ammaanka la wada ilaaliyo, Ciidammaduna amniga ayay ka shaqeynayaan haddana in Ciidammadu ay dadka Xabbad ku ridaan..” Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar

“Xukuumadda ayay caado u noqotay inay xabbad kala hor-tagto Carruurteena, kii Mudaharaadka ku jiray Xabadbaa lagaga hortagayaa…” Faadumo Siciid “Masuuliyad-darrada hoggaanka Booliska iyo Wasaaradda gudaha iyo aammusnaanta Ku-simaha Madaxwaynahu-ba waxay halis ku tahay wada-jirka shacabka.”

Boorama, 13 October, 2015-(Himilo)- Hoggaanka dhaqanka, Ganacsatada iyo Wax-garadka gobolka Awdal iyo weliba Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkii maalmihii u dambeeyey ka dhacayey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo dhimashada laba qof iyo dhaawaca afar ruux sababay, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada Kooxda Suldaan Wabar oo iyaguna laba Askari ku dilay magaaladaas, laba kalena ku dhaawacay markii ay toddobaadkii hore weereen Guriga Badhasaabka gobolkaas.

Madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada reer Awdal oo Xalay Shir Jaraa’id oo deg-deg ah ku qabtey magaalada Boorama, ayaa go’aanno iyo talooyin ka soo saaray xaaladda magaaladaas ka taagan, iyagoo Tacsi u diray laba Askari oo ku dhintay guriga Badhasaabka Awdal oo toddobaadkii hore dablay hubaysan weerartay iyo laba dhallinyaro ah oo ku dhintay rabshado ka dhacay tartanka Ciyaaraha gobollada ee ka socda Magaalada Borama, waxayna sheegeen inay Xukuumadda isku afgarteen in sharciga la horkeeno Askartii toogatay labadaa dhallinyarada ah.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “Waxaanu aad u cambaareynaynaa askarta dadkooda ay gacanta ku kala celin lahaayeen mar kasta Xabadda la dhacaya. Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa in raggaa (askarta) sida badheedhka ah wax u laayey inaad Sharciga horkeentaan. Waxa kale oo aanu Cambaareynaynaa falkii lagu gubay guriga (Taliyaha qaybta booliska Awdal) oo aanu uga xunnahay waxaanuna leenahay cid kasta oo garanaysa ciddii gurigaa gubtay ciidammada ammaanka gacanta ha u soo geliso oo ha soo qabato.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in arrimaha ka socda Borama ay u saareen guddi ka kooban 41 qof oo Odayaal, Culimo iyo Ganacsato ah. “Waxaannu halkan kaga dhawaaqnay Guddi ka kooban 21 Odayaal ah, 10 Culimo ah iyo 10 Ganacsato ah, iyagaana dadka ku boorrin doona nabadgelyada.” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray; “Waxaan si adag isu dul-taagayaa oo aan uga hadlayaa nabadgelyada oo dhallinyarada xilligani aanay garanayn, waxaan leeyahay dhallinyarada iyo dad kale haka waantoobaan nabadgalyo darada ay Magaalada ka wadaan oo ay faraha kala baxaan, annaguna ka odayaal ahaan si cad baan uga soo horjeednaa”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, ayaa isaguna yidhi “Waxaannu go’aan ku gaadhnay in Ammaanka la wada ilaaliyo, Ciidammaduna amniga ayay ka shaqeynayaan haddana in Ciidammadu ay dadka Xabad ku ridaan tu meesha taalla maaha, sidii caadada ahaydna waxaanu xukuumadda ka codsanaynaa isla-markaana aanu ka wada hadallay in Raggii (askartii) toogtay dhallinyarada ay gacanta ku soo dhigto  si dadkii ay dadku ka dhinteen ugu qaboobaan waanuna isla qaadanay.”

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay; “Hawlaha maalmahan dambe laga wado Borama maaha waxaynu dhaqan u halayn, waayo?, waxa soo baxay Haween weer Madaxa ku xidhay oo suuqa Meeraysanaya oo dhallinyarada soo kicinaya, waxaasina maaha wax aynu naqaanay oo aynu dhaqan u leenahay.”

Sudlaanka ugu da’da weyn Madax-dhaqameedka Awdal, Suldaan Saleebaan iyo waxgarad kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo isla-markaana laga waantoobo kasta oo dhibaato kale horseedi kara.

Dhanka kale, Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isaguna ka hadlay labada dhallinyada ah ee ku baxay gacanta Ciidammada ammaanka.

Cabdirashiid oo qoraal ku baahiyey Facebook ayaa Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo taliska Booliska Somaliland ku eedeeyay masuuliyad daro, waxaanu yidhi “Xaaladda dalka lagu maamulay shan sano iyo cudurka qabyaaladeed ee ay abuurtay ma suurto galinayso caafimaad dhalanteed ah iyo ciyaaro hufan. Ficilada lagu laynayo Carruurta, xadhigga Odayaasha iyo ganacsatadu waxay qayb ka yihiin kicinta bulshada. Mashaqada ka socota Borama iyo sida ay Xukuumaddu u maamulaysaana waxay u eg yihiin mashariicdii lagu burburinayey Qaranimada Somaliland.

“Waxa hore la innoogu caawiyey qalabkii Booliska ee laga hortagayey rabshadaha, lama isticmaalo, mana ogin in dalka dib looga saaray oo la lacageeyay iyo in kale mana garanayno waxa loo isticmaali waayey ee xabad nool Carruurta loola dhacayo. Taliye Fadal intii uu talada booliska hayey waxa ay boolisku dileen ubad tiro badan, waxaa lagama maarmaan ah dilalkii dhacay inay Baarlamaanku wax ka waydiiyaan isla-markaana la horgeeyo Maxkamad oo sharciga la mariyo masuuliyadda dilalkaa.”

Musharraxa Madaxwayne ku xigeenka oo sii hadlaya ayaa yidhi; “Masuuliyad-darrada hoggaanka Booliska iyo Wasaaradda gudaha iyo aammusnaanta Ku-simaha Madaxwaynahu-ba waxay halis ku tahay wada-jirka shacabka.” Waxaanu intaas sii raaciyey oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal; “Dhallinyarada iyo shacabka Awdal guud ahaan waxaan kula dardaarmayaa inay isdejiyaan, caqligu ha shaqeeyo ee yaan caadifaddu shaqayn. Reero isma haysataan ee dawlad aad Madaxwayne ku xigeen keeda leedihiin xilliga falalkani dhacayaana ah ku simaha Madaxwaynaha ayaa leh masuuliyadda koowaad ee qaabka loo maamulay mashaqada Boorama.”

Sidoo kale, la taliyaha arrimaha dibadda ee Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, oo iyaduna ka hadashay Xaaladda Borama waxayna Booliska ku dhaliilay adeegsiga rasaasta. “Xukuumadda ayay caado u noqotay inay xabbad kala hor-tagto Carruurteena, kii Mudaharaadka ku jiray Xabadbaa lagaga hortagayaa, kii wax tabanayana xabad baa lagala hortagayaa, kii wax hagaajinaya xabadbaa lagala hortagayaa, haddii markaa ciyaartoygeenii iyo carruurtii daawanaysayna xabad lagala hortago mushaakil weeyaan, haddii Carruurta qaarna baddu liqdo qaarna xabaddu disho dalka yaa u soo kacaya.” ayay tidhi Faadumo Siciid.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment