Saturday, October 3, 2015

Xaruntii Universal Tv Ee Muqdisho Oo La Xidhay Iyo Agaasime iyo Wariye Xabsiga Loo Taxaabay.

Muqdisho October 3,2015 (Himilo)-Agaasimihii Universal TV ee Bariga Afrika Cabdillahi Xirsi Kulmiye iyo barnaamij soo saaraha dood wadaag Cawil Daahir Salaad ayaa xabsi la dhigay, kadib markii laga qabtay xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho.

 

 

Xadhiga agaasimaha iyo saxafigan ayaa la xidhiidha barnaamij dood wadaag ah oo ka baxay Universal khamiistii, kaasoo ay marti ku ahaayeen Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdi Xaashi oo si qoto dheer ugu hadlay marxalada dalka iyo in dalku ku jiro gumeysi, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada dawladdana ay yihiin kuwo magac u yaal ah oo xilka uun ku magacaaban.

 

 

Doodaan ayaa ka hadlaysa waxyaabo badan oo ka daboolka dadka somaliya , isla markaana aysan jirin dad wadaniyiin ah oo ka dhiidhiya dhibaatada dalka ka taagan.

Xildhibaanadan oo dooda lagu weydiiyay su’aallo ayaa waxay iftiimiyeen in Soomaaliya looga taliyo xaruntii tababarka ciidamada ee Xalane oo hadda fadhiisin u ah AMISOM iyo diblumaasiyiin lagu sheegay in dalka ay maamulaan.

 
Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ayaa maanta cambaareeyay xadhiga Agaasimaha iyo Wariyahan iyagoo maamulka dawlada somaliyana ugu baaqay in si degdega loosoo daayo masuuliyiinta maadaama aan loo marin bay yidhaahdeen sifadii ku haboonayd ee loo xidhi lahaa saxaafada.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment