Saturday, October 3, 2015

Xidlhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan oo Shaaciyey inay ku biireen Xisbiga talada haya ee KULMIYE .

Hargeysa, 03 October, 2015-(Himilo)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka tirsanaa Mudanayaasha laga soo doortay Xisbigii Saaxadda Siyaasadda ka baxay ee UDUB, ayaa shaaciyey inay ku biireen Xisbiga talada haya ee KULMIYE Khamiistii dorraad, kuwaasoo lagu soo dhayeeyey KULMIYE.
Xildhibaannadan ayaa sheegay inay hore ugu biireen Xisbiga KULMIYE, ayaa ka tirsanaan jiray Xisbigii talada dalka lagaga guulaystay ee UDUB, waxaanay kala ahaayeen; Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde), Xildhibaan Maxamed Jaamac Cilmi (Dable), Xildhibaan Cabdiraxmaan Muuse Jaamac, waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide iyo sidoo kale Xildhibaan Siciid Cali Cismaan.
Xildhibaannada ayaa caddeynayay, isla markaana cusbooniinaysanayay ku biiritaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa Xarunta Xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xidhiidhka gobollada ee Xisbigaas Saalax Idiris Shiine, waxaanu yidhi; “Halkan waxaannu ku soo dhaweynaynaa, sida uu inna farayo Xeerarka Xisbiyada ee Xeer No. 14 ee doorashooyinka iyo Xeer No. 20 inay caddeeyaan Xildhibaannadu kusoo biiritaanka Xisbiga Kulmiye, iyagoo hore uga tirsanaa maantana (Khamiistii) mawqifkooda caddaynaya, ayaannu ugu soo dhaweynaynaa si qalbi furan oo nadiif ah Xisbiga.”
Sidoo kale, Xildhibaannadan sida tooska u caddeeyey ku biiritaankooda Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inay Xisbigaasi Kulmiye horeba uga tirsanayeen muddo 2 sannadood ahna ay ka soo xaadiri jireen Xarunta iyo Hawlaha Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena kuraasta Baarlamaankana ku fadhiyeen Xisbiga Kulmiye, balse ay Khamiistii cusbooniisteen ka mid ahaanshiyaha Xisbiga KULMIYE.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment