Monday, October 12, 2015
Xisbiga Waddani oo rabshadaha ka dhacay Gobolka Awdal ku Eedeeyay Xukuumada Kana Hadlay Kaadhadhka Aqoonsiga oo la Gubey.
Hargeysa 12, October,2015 (Himilo)-La taliyaha arimaha dibada ee Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid ayaa xukuumada ku eedaysay rabshadaha dhimashada iyo dhaawaca gaystay ee ka dhacay Magaalada Boorama ee gobolka .
Marwo Faadumo Siciid waxaa ay sheegtay in magaalada Boorama ay ahayd goob xasiloon oo ku caan ah nabad, wanaag iyo dad jaceyl islamaraana aanay marna ka suurtoobi karin inay waxyeeleeyaan nabada balse xukuumadu ay ka dhexwado fidmo iyo inay dadwaynaha kiciso.
Marwo Faadumo Siciid oo maanta ka hadlaysay xaflad xisbiga Waddani ku qabtay xaafada Axmed Dhagay ayaa tacsi u dirtay labadii wiil ee ku dhintay magaalada Boorama intii uu socday isreebreebka koobka goboladu.“Ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa caruurtii yaryarayd ee gar iyo mag la’aanta ku dhintay Boorame. Boorama waa magaalo aad martisoorka ugu dheer, waa magaalo dadka waftiga ah soo dhaweysa, dadka martida ah soo dhaweysa, dhalinyaradeedu waa dhalinyar aad iyo aad u kalgacayl badan qabyaaladi jirin waxba ku jirin taasi anaa uga marag kacaaya sababtoo ah kubado koobna waan u qabtay, kubado baasketna waan u qabtay, riwaayadana waan u qabtay waligay reer Boorama dhagax tuuray iska daayoo iyaga xanjo tuuray maanmaqlin.”sidaasi ayay tidhi marwo Faadumo Siciid.
Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataana waxaa ay rabshadaha ka dhacay Boorama ku tilmaantay mid xukuumadu caado ka dhigatay islamarkaana ay gobolka ka wado falal ay nabada ku waxyeelaynayso.
“Markaa wax kalaa meesha ku jira cidii waxaas kicinaysa ee fidmadaa wada waxaanu leenahay Ilaahay ayaanu idinku reebnay, laakiin tani dhaliil maaha ee waxay caado u noqotay xukuumadan inay caruurteenii xabad kala hortagto, kii mudaharaadka ku jiray xabadbaa lagaga hortagayaa, kii wax tabanayana xabad baa lagala hortagayaa, kii wax hagaajinaya xabadbaa lagala hortagayaa, hadii markaa ciyaartoygeenii iyo caruurtii daawanaysayna xabad lagala hortago mushaakil weeyaan, hadii qaarna baddu liqdo qaarna xabadu disho dalka yaa usoo kacaya.”ayay tidhi Faadumo Siciid
Sidoo kale, Marwo Faadumo Siciid waxaa ay ka hadashay kaadhka aqoonsiga muwaadiniinta oo wasaarada arimaha gudaha Somaliland qayb ka mid ah ay gubtay “Doorashaa inagu soo foodleh, waxaa la gubey kaadhadhkii muwaadinimada oo dad farabadan ayaa tacabkoodii ku khasaaray, oo cadceed u taagnaa oo kuyuu u galay, oo wakhti ka lumey, dadbaa diyaarado usoo raacay tacabkoodii dawladu intay qaaday ayay soo gubtey, wax lagu gubey lama sheegin, waxay leeyihiin waa inyar oo khasaartay kumanaan khasaaray halkee lagu arkay , wax khasaaray ma jiro ee waxaanu leenahay Kulmiyoow ma markaad kaadhadhkii samayseen ayaa istidhaahdeen dadku Waddani buu u badanyahay ee inaga guba.”ayey tidhi Faadumo Siciid.
Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadaataa waxaa ay intaasi ku ladhay “Dawlada waxaa laga doonayaa khaadhadhkaa lacag aad iyo aad u badanbaa ku baxday ee waxaa laga doonayaa sababta kaadhadhkaa loo gubey, wax khasaari kara maaha haday tijaabo tahayna ilaa kontan ayaa la tijaabiyaa ee kumaanaan ayaa la tijaabiyay oo la gubayaa sheeko iyo shaahid may dhicin ee waxaa lagu korodhsanayaa doorashada.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment