Friday, February 28, 2014

Haweenay Ilmaheeda u dishay Internet-ka awgii




Russia-(Himilomedia.com )Haweenay u dhalatay dalka Ruushka, ayaa lagu soo waramayaa inay Ilmo ay dhashay oo da’diisa lagu sheegay 11 sanno jir  ay dishay. sababta ayaa lagu sheegay ka dib markii uu ka Khal-khaliyay Barnaamijkii ay Net-ka ku isticmaalaysay oo ka Xumeeyay.


Wakaaladda wararka u faafisa dalka Ruushka ee Magaceeda la yidhaahdo Nufoseti, ayaa sheegtay in Haweenaydan oo da’deeda lagu sheegay 34,jir ay qiratay inay Ilmaheeda dhawr jeer ku garaacday middi,gaar ahaana nooca Laxooxda lagu dubto oo kale ah,iyada oo ku ciqaabaysa dhalan badal uu ku  sameeyay Barnaamijkii ay Internet-ka ku isticmaalaysay.


Waxaanay Saraaakiisha Booliska u sheegtay in markii ay ogaatay in Wiilkeedii uu dhintay ay go’aansatay inay googayso, ka dibna ay ku  qariso God ku agyaala Guriga  uu Qoysku ku noolaa.


Hasa yeeshee wakhti danbe ayaa ay Boolisku soo faqeen  Maydka Wiilka yar.waxaana ay cadeeyaeen inuu u dhintay ka dib markii ay ku jar-jartay Middi ay doonaysay inay intay ku googoyso, ka dibna ay ka qariso Indhaha  Qoyska iyo dadka kale jaarka iyo kuwa Qaraabada ahba.


Ugu danbayntiina Xeer-beegti sare oo ka tirsan dalka Ruushka, ayaa waxay ku Xukumeen 12 sano oo Xadhig ah. waxaanay saraakiishu sheegayaan in Ciqaabtu ay intaas ka sii badan karto.


                                   


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


Cusbitaal Ku Bixiya £500,000, Qolal Hurdo Oo Uu 2,000 oo Bukaan Jiifkiisa Ka mid ah Huteel Uga Kireeyey




London- (Himilomedia.com ) Cusbitaalka Free Royal ee Magaalada London, ayaa la sheegay inuu ku bixiyo aduun lacageed oo dhan £500,000 ( shan boqol oo kun oo giniga Ingiriiska ah ) una dhiganta, ku dhawaad 800 oo kun oo dollarka Maraykanka ah, si uu u baneeyo sariiraha bukaanku ku jiifsadaan ee Cisbitaalkaasi.


Miisaaniyadan xad dhaafka ah ee uu cisbitaalka Royal Free Hospital ee Magaalada London u isticmaalo, meel dejinta qaar ka mid ah bukaan jiifkiisa ayaa la wariyey inay sabab u tahay, helida iyo banaynta sariiraha dhakhtarka oo buux dhaaf ah, si uu meel la dhigo ugu hello, bukaanka cusub ee daweynta u iminaya.


Cadadka lacagta ayaa la xaqiijiyey inay kor u sii kacaysay sanadba sanadka ka dambeeya, muddaddii saddexda sanno ahayd ee ugu dambeysay.


buux dhaafka iyo cidhiidhiga sariiraha bukaan jiifka, ayaa sababay in dhakhaatiirta Cusbitaalka Royal Free, ay u baahdaan meel ay dadka jiifiyaan si ay u dhimaan, iyadoo ugu dambeyn Huteelka Priemier INN ee London ku dhex yaalaa uu noqdo meesha ay door bidaan.


Maamulka Huteelka Priemier ayaa tilmaamay in Bukaanka ay hurdada Siiyaan aanu hellin sariiro ay ku rakiban yihiin, adeegyadii caafimaad ee uu bukaanku u baahnaa. laakiin dhakhaatiirka Cisbitaalka ayaa dhinacooda ku dooday inaanay u dirin huteelka bukaan jiifka xaaladoodu xuntahay, una baahan in habeenkii xaaladooda si fiican loola socod, ee ay u diraan bukaan jiifka soo ladnaada kuna dhow muddadii ay ka bixi lahaayeen dakhtarka.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


Hay’adda IOM Oo Shahaadooyin Gudoonsiisay 20 Qof Oo Dhamaystay Tababar

Boorama-(Himilomedia.com) Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ayaa markale shahaadooyin gudoonsiisay 20 qof oo wax ka bartay kana qalin jabiyay Jaamacadaha ku yaala magaalada Burco, kuwaas oo tababar waayo aragnimo korodhsi ah (Internship) kaga hawl galay hay’addaha dawladda iyo kuwo gaarka ah ee  ku yaala magaalada Burco.

 

Xidhitaankii tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer, Isuduwaha Wasaaradda Cadaalada ee gobolka Togdheer, Xoghaya Gobolka Togdheer, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco, Saraakiil ka socotay hay’adda IOM, arday, waalidiin iyo suxufiyiin.

 

Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadalay Md. Liibaan Maxamuud Ciise oo ka socday hay’adda IOM, waxana uu u mahad naqay dhamaan laamihii dawladda iyo shirkadihii gaarka ahaa ee qaabilay ardaydan qaadanaysay tababarka Internship-ka, kuwaas oo uu xusay inay ahaayeen lafdhabarta suura galisay in mashruucani tijaabada ahi uu guul ku dhamaado.

 

Md. Liibaan waxa uu ka warbixiyay mashruucan iyo ahmiyadiisa waxana uu yidhi “ Hay’adda IOM iyada oo dareensan in loo baahan yahay in dhalinta ka soo baxday jaamacadaha dalka la dhiiri galiyo, si loo dhimo Tahriibta dhalinyarada oo loogu badalo shaqo abuur iyo dhalinta oo la barayo waayo aragnimada shaqada loo raadsado ayay hay’adda IOM mashruucan tijaabada ah ka bilawday magaalada Burco, waxa aan qaadanay 20 arday oo jaamacadaha ka baxday kuwaas oo aan ka shaqo galinay laamaha kala duwan ee aan kor ku soo xusnay, ujeedada aan dhalintan u siinaynay tababarkan Internship-ka waxa ay ahayd inuu gogol xaadh u noqdo shaqo taga dhalinta iyo waayo aragnimada goobta shaqada si ay u korodhsadaan”

 

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Md. Liibaan “Waxa aan ka marag kacayaa in mashruucan Internship-ka ah oo socday muddo 7 bilood ah oo ay ku jirto bil tababar ahayd inuu guul ku dhamaaday maantana 80% ardaydii qalinjabisay ee aan Internship-ka u dirnay  ay shaqo heleen, taasi oo ah 16 qof, 4ta dhimana waxaan u rajaynaynaa inay shaqo helaan dhawaan haddii Eebe Idmo, waxaan u mahadnaqayaa dhamaan hay’addihii dawliga ahaa iyo kuwii kale ee dhalintan tababarka siiyay, qiimeeyay, waayo aragnimada u kordhiyay sidoo kalena 80% shaqada siiyay”

 

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Boorama Md. Cismaan Sh. Nuur oo isaguna halkaasi ka hadalay ayaa ka marag kacay in muddadii ay dhalintani la joogtay D/Hoose ee Burco ay wax badan soo kordhiyeen waxana uu yidhi “Waa hubaal in aqoon casri ah ay dhalintii noo timid ee tababarka Internship-ka ah ku qaadatay D/Hoose ay nagu soo kordhiyeen,  waxana ay wax balaadhan ka badaleen hanaankii shaqada iyo hawlahii kale ee ay u xilsaarnaayeen, waxana aan ka marag kacayaa in muddadaasi ay nala joogeen dhalintaasi ay hawlkarnimo, amaano iyo adeeg hufan ku hawl galeen taasina ay noqotay mid soo jiidatay madaxda D/Hoose ee Burco, caawana waxa aan sheegayaa in D/Hoose ee Burco ay gabi ahaanba 9kii qof ee la joogay ee 6 ka mid ahi ay gabdhaha ahaayeen 3da kalena ay wiilasha ahaateen ay wada shaqaalaysiisay kuna dartay liiska shaqaalaha joogtada ah ee ka hawl gala D/Hoose ee Burco”

 

Badhasaabka kuxigeenka Gobolka Togdheer  Maxamed Maxamuud Ubaxle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si wayn ugu mahadnaqay hay’adda IOM, isla markaana ka marag kacay in gobolka Togdheer uu ahaa gobol ay tahriibtu ku badan tahay balse uu tababarkani IBO-FUR u yahay shaqo abuurka iyo habka shaqo raadsiga oo dhalinta labaray, waxana uu ka codsaday hay’adda IOM inay sii joogtayso

 

Xoghayaha gobolka Togdheer iyo Isuduwaha Wasaarada Cadaalada ee Gobolka Togdheer oo iyaguna hadalka iska daba qaatay ayaa la dardaarmay dhalinta tababarkan qaadatay, waxana ay xuseen in loo baahan yahay inay dhalinta kale ee dhigooda ah wacyogalin u sameeyaan una sheegaan in dalkeena hooyo uu yahay mid dihin oo uu khayraad ka buuxo loona baahan yahay inay dhalintu ka dhawrsato tahriibta oo ay dalkooda hooyo aaminaan isla markaana ogaadaan inay shaqo ka buuxdo, waxaana ay u mahadnaqeen hay’adda IOM oo ay sheegeen in ay tababar faaiido u leh dhalinta ka soo baxaysa jaamacadaha dalka ka hirgalisay Somaliland.

 

Qaar ka mid ah ardaydii qalinjabsay ee heshay fursadan dahabiga ah ee korodhsiga waayo aragnimaa shaqo ee ay hayada IOM ugu deeqday oo halkaasi ka hadashay ayaa xusay in fursadani ay u ahayd mid qaali ah oo indhaha u kala furtay isla markaana ay ka kordhsadeen waayo aragnimo ka balaadhan tii ay jaamacadaha ku soo qaateen, waxana ay ugu baaqeen hayada IOM in ay sii jogtayso isla markaana balaadhiso mashaariicda noocan oo kale ah.

 

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 20kii arday ee tababarku u dhamaaday, shahaadooyinkaasi oo ay bixisay hay’adda IOM ayaa waxay yihiin kuwo ka turjumaya in dhalintaasi ay waayo aragnimo shaqo leeyihiin, waxana xusid mudan in hay’adda IOM oo aalaaba ku hawlan sidii ay dhalinta uga baajin lahayd khatarta aafada Tahriibta uu mashruucani yahay mid ka mid ah mashaariicda tirada badan ee dhaxal galka ah ee ay ka wado Somaliland.

 

Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Dawladda Somaliya oo ku hawlan dardar galinta Iyo xoojinta ammaanka caasimada xilli amaan daro ka jirto muqdisho

 

Muqdisho (Himilomedia.com)Golaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan joogto ah oo uu yeesho Khamiis kasta maalintii shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka  waxa shir guddoominayey raysul wasaaraha  Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana lagaga hadlay nabadgelyada magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib waxa uu yidhi:-.

“Wasiirrada ayaa kulankan isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan sida ugu habboon ee  loo xasilin karo caasimadda oo ay dhowaanahan ka dhacayeen falal amni darro, isla markaana waxa warbixinno laga dhageystay xubno ka tirsan golaha wasiiradda .waxaanay isla garteen inay dardar galiyaan dadaalka lagu doonayo sugidda ammaanka magaalada Muqdisho”.

Golaha xukuumadda somaliya ayaa dhawaan dhaqan galiyay qorshe lagu sugayo ammaanka Muqdisho, kaas oo degmo kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir ay ka howl galayaan ugu yaraan labo wasiir oo kaashanaya guddoomiyaha degmada, taliyeyaasha booliska iyo nabad-sugidda iyo qeybaha bulshada degmadaasi.

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Siilaanyo Oo Dadweynaha kula Tukaday Salaadii Jimcaha Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Hargeysa

Hargeysa (Himilomedia.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa u salaadii Jimcaha kula tukaday Kumanaan ka mid ah Shacbi weynaha Reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada hargeysa   oo ku tukanaayey Masjidka Cali Mataan ee Badhtamaha Caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha oo aan haba-yaraae wadan wax illaalo ah, balse ay la socdaan  Taliyaha ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan iyo Taliyaha Ciidanka Illaalada Madaxtooyada  Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise oo iyaguna  aan xidhnayn Dirays-ka ciidanka.

siilaanyo socodMadaxweynahu waxa uu  Salaada ka dib socdaal indho-indhayn ah oo uu ugu  kuurgalaayo waxa uu  ku soo maray Suuqyada Ganacsiga, sida goobaha Safirka lacagaha qalaad, Dahablayaasha iyo Goobaha kala duwan ee ganacsiga.

maaha markii ugu horaysay ee Madaxweyne siilaanyo uu si kadis ah socdaal ugu baxo  uu ku  soo kormeero qaybaha kala duwan ee shacbiga, si uu wax uga ogaado xaalladaha dadweynuhu ku sugan yahay,haddii ay noqon lahayd mid ganacsi iyo mid nololeedba.

intaasi ka dibna Madaxweynaha  oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa socod lug ah waxay ku soo mareen jidka laamiga ah ee halbowlaha hargeysa, ka dibna madaxweynaha oo wata gaadhi gaar ah ayaa ku guryo noqday madaxtooyada.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

TODOBAADKA SUGIDDA CUNTADA IYO BIYAHA Kalluunku waa: cunto, waa shaqo, waa ganacsi, waa nafaqo daawo ah.

Kalluunku waa nicmo Ilaahay uu ku manneystey dalkeena oo dalal badan oo adduunka ka mid ahi ayna heysan. Waa nicmo uu Ilaahay quraankiisa kaga waramey inuu dadka ku galleystey. Miyaadan akhriyin aayadaha quraanka ee ku kala yaalla; Suurtu Naxli ayaadda 14aad & Suurtu Faadir ayaadda 12aad.

Waxa nasiib darro ah in iyada oo baddii iyo kalluunkiiba aan leenahy, in hadana  dalkeednu uu ku sugan xaalad ayna jirin cunto la isku halleyn karo( food security). Qiyaasaha la sammeeyey waxay tilmaamayaan in in ka yar 5% kaliya aan soo baxno cuntada aan quudanno. 95%  kale waxa laga soo dhoofiyaa dibadda. Bal qiyaas haddii ay wadamada cuntada aan ka soo gadanno, ay joojiyaan cuntada wadamadooda laga dhoofinayo, halkee ayaan isku halleyneynaa inaan cunto dadkeenna uga helno?. Waxa habboon in dadkeenu uu ku baraarugo arrintaas khatara ah ee waqti kasta la filan karo. Waa in aan cunto kala soo baxnaa dalkeena.

Kalluunku waxa cunto muhiim ah. Adduunkan, kalluunka badaha lagala soo baxay sannadkii 2010kii,  wuxuu ahaa 148 malyuun oo Tan. Waxa kalluunkaas cunto ahaan dadku u cuneen 86% ama 127milyan oo tan. Waxa qiyaastii qofkii ku soo hagaagtey sannadkii 2009kii inuu cuney 18.4kg wadadama horey u marey. Halka wadamada Afrika qofkii ay ku soo haggaagtey 9.2kg. Yemen oodhinaca kale kaga  taalla baddeena, sannadkii waxay la soo baxaan kalluun dhan 185,471 Tan isku celcelis ahaan.  Kalluunkaas  dalka gudihiisa waxay ku cunaan 109,871 tan. HALKAAS WAXAAN KU CADDEYNEYNAA SIDUU KALLUUNKU U YAHAY QEYB KA MID AH CUNTOOYINKA ADDUUNKU.

Kalluumeysigu waa shaqo ay dad badani ka xogsadaan. Waxa guud ahaan adduunka kalluunka si toos ah uga shaqeysta qiyaastii 38Milyan oo qof (FAO 2007).  Waxa xusid mudan in 90% ama 34.2 Mliyan dadkaas ka mid ahi ay ka shaqeystaan Kalluumeysiga xeebaha (Artisinal Fisheries). Waxa tiradaas dheer in ay jiraan ilaa 100 milyan oo qof oo ka shaqeysta hawlaha la xidhiidha Kalluumeysiga. Yemen haddaan tusaale u soo qaadanno waxa Kalluumeysiga ka shaqeysta 94,214 qof, oo 75,371 ka mid ihi  ay yihiin kalluumeysato. MAXAA BADAY SHAQO LA’AAN DADKEENNA, GAAR AHAAN DHALIN YARADA ,MIYAAY BADDEENA SHAQO KA HELI KARIN UGU YARAAN TIRO 30,000 ILAA 40,000 QOF.?

Kalluunku waa dhaqaale. Sannadkii 2010kii, kalluunkii adduunku soo saarey waxa ka soo galay dhaqaale dhan  217.5 Bilyan oo Dollar.  Yemen oo deris nahay, kalluunka ay dhoofiso waxa ka soo gala sannadkii 188milyan oo doolar. Yugaandha, oo aan bad leheyn , oo kalluunka kala soo baxda harada lake Victoria, sannadkii  kalluunka ay dhoofiso waxa ka soo 150 milyan oo doolar. Waxay la soo baxdaa kalluun dhan 200,000 tan sannadkiiba isku celcelis. Waxa ka shaqeysta Kalluumeysiga Yugaandha dad tiradoodu dhan tahay 700,000 oo qof.

Kalluunka waa nafaqo caafimaad leh. Kalluunka ayaa ka burotiin badan hilibka. Waxa ku jira 100giram ee kalluunka ah 18.5 giraam oo Burotiin ah, halka ay 16giramm oo Burotin ani ay ku jiraan 100giraam ee hilibka ah.  Waxa kalluunku uu daawo ka yahay xannuuno badan oo ay ka mid yihiin:-

  1. Hoose u dhigidda dhiig karka

  2. Dhimista khatarta xanuunka wadnaha & hagaajinta shaqada wadnaha

  3. Kor-u-qaadida shaqada maskaxda,

  4. Indhaha,

  5. Kobcinta dareemayaasha caruurta

  6. Ka hortagga oof-wareenka

  7. Difaaca xanuunada sigaar cabistu keento

  8. Caawinta dadka caabuqu qaba.

  9. Kor-u-qaadida nidaamka difaaca jidhka

  10. Difaaca xanuunka kansarka

  11. Difaaca lafaha burbura

  12.   Bararka xubnaha iyo kala-goysyada.

  13. Dhimista miisaanka


Hadaba, waxaan ugu baaqeynaa ganacsatadeenna iyo dadweynaheenna  iney u fiirsadaan waxtarka ku jira Kalluumeysiga dhinacyada shaqada, cuntada, nafaqada iyo ganacsigaba.

Waxaan leennahay Kalluumeysiga waxaan kaga baxaynaa shaqo la’aanta, cunto la’aanta iyo dhaqaale la’aantaba.

FARRIINTA WASAARADDA KALLUUMEYSIGA & KHEYRAADKA BADDA

Qore : SAM OMER GHEDI.

Agaasimaha Qorsheynta

Wasaaradda Kalluumeyisga & Kheyraadka Badda

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Muuqaal Sidee Ah Ayuu Leeyahay Arooska Miyiga Maantu? -W/Q: Wariye Maxamed Addis




Qormadan oo aan uga dan leeyahay inaan ku iftiimiyo muqaalka guud ee uu leeyahay arooska reer miyiga ee maantu, maaha mid aan isku barbar dhig ku samaynayo arooskii miyiga ee soo jireenka ahaa iyo aroos miyiga maanta.


Waxaanay ku salaysan tahay oo ay ka turjumaysaa muuqaal aan kasoo dheehday dhawaan munaasabad aroos oo aan ka qayb galay oo ka dhacday deegaanka Lafta Tiinka, oo dhanka Koonfureed kaga beegan Gabiley.


Hindisaha guriga cusub ee miyiga kusoo biiraya maanta waxa uu ka dhashaa, Latagis. Latagistaas oo ah in wiilku gabadha uu calmooday ee ay ku kulmaan munaasabad—oo badanaa ah meelaha kaliya ee ay dhalinyaradu iskugu timaado—inuu kaxeeyo oo uu geeyo guri ay habeenkaa u hoyoto.


Nidaamka ‘Latagista’ oo ah nidaamyada dhawaan soo kordhay ee sida badana reeraha maantu ku abuurmaan, ayaa wiil-ka iyo gabadha oo ay weheliyaan labo qof oo kale—oo kala ah wiil iyo gabadh—uu gaystaa habeenkaas guri ka baxsan labadooda reer.


Kadib waxaa maalinta xigta, intaanay cadceedu dhicin, gabaatigii oo ay ku doonayaan in gabadhaas wiilkooda lagu daro, u imanaya qoyska wiilku ka dhashay qoyskii gabadha. Haddii ay cadceedu ka dhacdana Aabihii dhalay gabadha amaba qoyskeedu waxay dalbanayaan in gabadhoodii loo soo celiyo.


Waxaanay reerka wiilka dhalay markay weydiisanayaan reerka gabadha dhalay, ay u gaynayaan 1-2 million oo shilinka Somaliland ah iyo 10-20 marduuf oo qaad ah.


Badanaa sida dhacda, nidaamkan Latagista oo lagu qiyaaso 70% inay reeruhu ku dhismaan maanta ayaanu wiilku reerkooda sii ogeysiinin inay ku jirto damac guur iyo inkale oo reerku waxay ka warhelaan uun markuu wiilkoodu gabadh la baxsado oo ay isku yaac yaacaan.


Markuu Aabaha dhalay gabadhu kadisadaas ugu meheriyo kulan reerka gabadha ka dhacay, waxaa habeenka xiga la iskugu imanayaa munaasabadii meher-ka oo ka dhacaysa gurigii uu wiilku gabadha geeyay. Inkastoon halkaas reerka gabadhu ka dhalatay ayna wax adduun ah ku gudoomin—maadaama oo ay shalay qaateen.


Gabadhu waxay ilaa intuu munaasabada dadab galkeedu dhacayso ee ay reerka wiilku u diyaar garoobayaan ku sugnaanaysaa guriga gacalkeed.


Waxaa muddo cel celis ahaan ah bil kadib bilaabma munaasabada arooska (Aqal galka) oo socota 7 maalmood, kana bilaabanta habeenka aynu u naqaan hoynta oo ay reer miyigu u yaqaanaan Galbis.


Reerka gabadhu ay u dhaxday waxay munaasabada habeenkaas kusoo dhawaynayaan guri aqal Somali ah oo ay u dhiseen qoysku reerka cusub. Gurigan oo sida ay ii sheegeen dadka deegaanku ah mid ka dhaxeeya reeraha meesha wada dagan oo aroos walba lagu soo dhaweeyo ayay reerka cusubi daganaanayaan muddo kooban oo ah ilaa intuu aroosku dhamaanayo(7 cisho).


Waxaa habeenkaas munaasabadaas isku arka dhamaan gacal iyo xigaalo. Raga meesha iskugu yimi way qayilaan dumar iyo dhalinyaraduna waxay ula kala baxaan ciyaarihii dhaqanka ee ay kamidka ahaayeen Jafle iyo Botor oo ilaa waabariga la ciyaaraa.


Habeenkaas casuumada oo dhan waxaa leh qoyska wiilku ka dhashay oo waxay keenaan baagag qaad ah oo uu reerba karaankii ah.


Aroosku wuxuu galaa nasasho ilaa habeenka habeenkiis (7-daa cisho), waxaana socda galin hore iyo galindanbeba ciyaaraha ay ciyaarayaan dhalinyaradu. Dadka deegaanku waxay ii sheegeen inay dhawaan ay kusoo biireen ciyaaraha dhalinyaradu ciyaarayso ciyaarta Jaaska (Qoobka ka ciyaarka casriga ah).


Habeenka habeenkiis marka lasoo gaadho, waxay taagan tahay habeenkii Gaafka, oo munaasabad tii Galbiskii oo kale matasha ayaa u dhacda lamaanaha is calmaday.


Sodohdu habeenka Gaafka ah maalinta ka horeysa waxay bilawdaa dhismihii gurigii rasmiga ahaa ee reerka cusubi dagi lahaayeen. Gurigan oo sida dadka deegaanku noo sheegeen 70% maanta ah Jiingad labo qol ah ayay sodohdu ka dhistaa duleedka reerka ay gabadheedu u dhaxday. Sidoo kale waxay keentaa dhamaan agabkii guriga, sida weelkii, wixii lagu fadhiisanayay, wixii lagu seexanayay, raashinkii, iwm, oo dhamaantood iyadu soo iibiso.


Munaasabada Gaafku waxay caadiyan bilaabantaa fiidkii, waxaana loo dhisaa waab wayn oo weegaarsan. Halkaasna waxaa iskugu yimaada ragii deegaanka iskugu jira, gacal, xigaal iyo jaarka oo qayilaad halkaas camira. Waxaa sidoo kale mudda dhexe kusoo biiray dumarka oo iyaguna banaanka isku uruursada.


Labada dhinac ee wiilka iyo gabadhu kasoo kala jeedaan waxay soo qaataan labo sameecadood oo  waabka la iska soo hor jeediyo oo midba dhankeeda ka heesayso. Waxaana ka dhacda foorjo lagu foorjaynayo kolba qoloday sameecadu ka bakhtido amaba codkeedu ka gaabto qoloda kale.


Habeenka Gaafku Galbiskii wuu ka duwan yahay oo dadka meesha isugu yimaadaa ma casuunee, iyagaaba looga fadhiyaa dhaqaale inay reerka usoo xareeyaan. Qof kasta oo kasoo qayb gala wuxuu kusoo talo gala adduun uu reerka cusub ugu deeqo.


Waxaa bilaabanta goor saq-badh ku dhawaadka ah munaasabadii Gaafka oo kolba qof ayaa magiciisa iyo lacagta uu ku deeqay laga dhawaaqayaa sameecada. Marka qofka magiciisa iyo lacagta uu bixiyay lagu dhawaaqo dumarka oo waabka badhtankiisa taagan ayaa mashxarada.


Lacagtan deeqda ah ayay dumar iyo ragu ka siman yihiin oo qof kastaaba wuxuu soo qaadaa inta karaankiis—10 kun, 15 kun, 20kun…. 50 kun, iyo wixii la hal maala. Markii ay dhamaatay ee la isku geeyay, arooskaan joogay waxaa usoo xarootay lacag 4 million oo shilinka Somaliland ah oo u dhiganta $650.


Iskastoo lacagtaas ay reerka cusubi leeyihiin, haddana waxay ii sheegeen dadka deegaanku inuu badanaa caruusku ku ambo bixiyo sodohda iyo martida kale.


Waxaa habeenkaas ilaa waabariga socda ciyaaraha dhaqanka ee dhalinyaradu ku ciyaarayso banaanka,  arooskana waxaa halkii laga sii ambo qaadaa—markay qaadhaan ururintu bilaabanto—qayilaadii iyo dhawaqii labada sameecadood ee iska soo hor jeeda.


Markuu waagu baryo, waxaa sodohda loo dareeriyaa xoolo ninba karaankiis ah—5 neef, 6 neef, ….—oo ay sodohdu leedahay, waxaana la dumiyaa gurigii caruusku toddobaadkaas uu ku jiray oo reerku gurigii Jiingadee cusbaa ee loo dhisay ayay habeenkaas wixii ka danbeeya ku wareegayaan.


Waxaa haddaba xusib mudan, inkastoo gurigan Aqal Somali –ga ah ee kumeel gaadhka ahaa loo dhisay reerka cusub, haddana badanaa waxaa la dumiyaa qoyskaas oo aan dhinac wada dhigin. Arooska waxaa toddobaad kaas oo dhan haysta saxmad iyo asxaab oo habeen oo dhan wuu qayilayaa. Sidoo kale gabadha aroosada ah ayaa iyada lafteedu la mid ah oo asxaabtaas toddobaadkaas la damaashaadaysa, inkastoo iyada ay u dheertahay waliba shaqo ay ka shaqaynayso xafladeeda.


W/Q: Wariye Maxamed Xasan Cabdi(Addis)


Email: moaddis@gmail.com


Hargeysa, Somaliland 


Himilomedia.com

Thursday, February 27, 2014

Xukuumadda Somaliland maxay ka tidhi Xiisada Golaha Deegaanka Boorama Iyo dadweynaha diiday in xadhiga fiber obtic la mariyo deegaankooda ?

Boorama (Himilomedia.com)Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta shir jaraaid ku qabtay gudaha magaalada Boorama ayaa ka waramay dhawr arrimood oo ay ku jirto xiisada ka oogan gudaha golaha deegaanka ee degmada Boorama, iyo arrin kale oo dad loo xidhxidhay oo ka dhacday deegaano ka mid ah gobolka Awdal, kadib markii ay dad deegaan ahi is hor taageen qodida xadhiga internetka ee SOMCABLE.

Wasiirka oo ugu horayn ka hadalay xiisada golaha deegaanka Boorama waxa uu yidhi “Waxa aan aad uga xumahay isla markaana dadwaynaha reer Boorama ka raali galinayaa falalka u dambeeyay ee ka dhacay Dawladda Hoose ee Boorama ee ay ka daawadeen telefishanada, falalkaasi oo ay ku kaceen inamadii la doortay ee ay dadwaynuhu u codeeyeen, waxa aan leeyahay waa fal nasiib daro ah, ma aha wixii la filayay, waa wax ka soo horjeeda waxqabadka iyo dimuquraadiyada, waxana aan leeyahay dib dambe u dhici mayso in hooyada cashuurta ku bixinaysa D/Hoose baabuur lagu hor gooyo oo la car qaladeeyo shaqada socota”

 

Wasiirka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah in nidaamka dawladeed iyo awooda uu sharcigu na siiyay ay barbarsocoto sharciyad kale oo xakamaynaysa xadgudubka, taasi ayaana shaqaynaysa, xildhibaanka ku xadgudba sharcigana waa laga dhex qaban doonaa golaha iyo bulshadada, Awooda shicibka ayaa leh, waxa noo muhiimka ah inuu hagaagana waa codkii ay bixiyeen dadka shacabka ahi”

 

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadda dhexe aanay faragalin ku haynin golayaasha deegaanka waxana uu yidhi “Ma jirto wax faragalin ah oo uu sharcigu noo baneeyay oo aan ku haynaa ama ku qasbaynaa golaha deegaanka, balse waxa jirta wasaaradd ay wada shaqayn leeyihiin oo ah wasaarada Arrimaha Gudaha taasi oo ay degmada uga wakiil yihiin Xoghayaha D/Hoose iyo Badhasaabka oo ah heer gobol una qaabilsan fulinta, waxana aan sheegayaa inaan marka aan noqdo arrimahu sida ay yihiin uga waramo Wasiirkii dhigayga ahaa ee Wasaaradaasi, waxase kulamo aan la yeeshay maamulka gobolka, xildhibaanada iyo madaxda Hay’addaha Amniga aanu isla garanay in inta u dhaxaysa hada iyo marka aan fariinta gaadhsiinayo Wasaarada Arrimaha Gudaha aan loo baahnayn inay dhalinyarada xildhibaanada ahi qaadaan talaabo kasta oo amniga wax u dhimaysa, sidaasna waan ku heshiinay”

 

Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa kale oo uu sheegay inay soo afjareen xiisadii dhinaca Cable-ka ee dadka loo xidhxidhay ee ka oognayd deegaanka Fadhixun ee gobolka Awdal waxana uu yidhi “Waxay arrintaasi noogu dhamaatay si wanaagsan, waxa aan dhawaan sii daynaynaa 20kii qof ee xidhxidhnaa, waxaanu isla qaadanay odayaashii dhaqanka ee ka masuulka ahaa dadka xidhxidhan inay bixiyaan wixii khasaare ahaa ee ay gaysteen, waanay aqbaleen, waxana shirkadii loo ogolaaday inay shaqadeedii si habsami ah u wadato, arrinta muhiimka ah ee aan laga tagayn waxay tahay in hay’addaha iyo shariikadaha dalka maalgashanaya aan soo dhawayno ka xukuumadd ahaan, xadhiga internet-ka ee SOMCABLE wado waxaan aqoonsanahay inuu faa’iido balaadhan oo midhaheedii in la-gurto u dhaw uu u leeyahay dadka iyo dalka Somaliland, mana jirto sabab loo horjoogsadaa”

Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

Xildhibaano Been Abuur Iyo Buunbuunin Ku Tilmaamay Dhacdadii U Dambaysay Ee Dawladda Hoose Ee Boorama

Boorama (Himilomedia.com) Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa waxay been abuur iyo buunbuunin ku tilmaameen dhacdadii u dambaysay ee ka dhacday Dawladda Hoose ee Boorama oo saxaafada haysatay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay, waxana ay sheegeen in Wasaarada Arrimaha Gudaha looga baahan yahay in 24 saac gudahood ay u soo faragaliso golaha deegaanka ee Degmada Boorama.

 

Xildhibaan Siciid Muuse Xoosh oo ugu horayn ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan sheegaynaa inaan aad uga xunahay sida loo buunbuuniyay arrintii u dambaysa ee ka dhacday gudaha D/Hoose ee Boorama, waxaan sheegaynaa in arrintaasi ay tahay mid la marin habaabiyay oo shirqool ah oo ay soo abaabuleen dad masuuliyiin ah oo masuulka degmada u sareeya uu kow ka yahay, wax caqliga gali kara ma aha wax aan u fadhinayna ma aha,  waxana aan leenahay cida ay khusayso ee ka masuulka ah ha soo faro galiso, waa gaf iyo meel ka dhac in golahii ay dadku soo doorteen lagu sheego Tuug iyo dad wax boobayay, dakhliga D/Hoosana waxa ka masuul ah guddida fulinta ee D/Hoose, wax saxeex ku baxa mooyee wax kale oo si kale ku baxana ma ogolin. Sanadkii 199kii ayaanay Boorama ka dhicin wax boob ahi, waana nasiib daro iyo guuldaro dhaawac ku ah degmada oo uu u keenay masuulkii u sareeyay Degmadu, waxa aan ahaa goobjoog, xildhibaanada lagu eedeeyay arrintanina waxa ay ka yihiin BERI, xildhibaanka baabuurka dhigay albaabka D/Hoosana waxa uu ahaa xidhibaan xaqdaro lagu sameeyay, oo loo diiday inuu galo xeradii uu xaqa u lahaa ee D/Hoose mana jirin sharci aan ka soo saarnay oo aan ognahay oo aan nidhi yaanan lagalin xereda, hadalka ka soo yeedhay ninka qasnajiga ahina waa mid gaf ah oo aakhiro loo soo taagi doono, cida ka masuulka ah iyo hay’addaha baadhitaankana waxaan leenahay ha gutaan waajibkooda, Wasaarada Arrimaha Gudahana waxaan leenahay  sharciga iyo xeerka uu soo saaray baarlamaanku ha shaqeeyo”

 

Xildhibaan Cabdiwahaab Bashiir Sh. Cumar oo hadalka ka daba qaatay ayaa isaguna tilmaamay “Waxaan rabnaa inaan bulshada ka tacsiyayno hadalada foosha xun ee saxaafada la marinayo, waana hadalo deel qaaf ah oo fool xun oo gaf ah, waxana aan sheegaynaa inaanu jirin xildhibaan boob isku dayay oo ay tahay mu’aamaraad uu isku dayay masuulka ugu sareeya degmadu, waa arrin gaf ah oo aan la isaga hadhayn in saxaafada la iska fadeexdeeyo, waxana aan ka dhaqaaqi doonaa haddii aanu nahay golaha arrintaasi wax ka qabashadeeda, haddii ay tahay shaqaale iyo haddii ay tahay maamulka degmadaba waxaan sheegaynaa in la isaga daba tagayo oo aanay beeli soconaynin, dadwaynaha haddii ay naga waayeen wixii ay naga filayeen oo ay mar walba naga arkayaan wax xun waxaan leenahay waa wax xun oo uu masuuliyadeeda leeyahay masuulkii noogu sareeyay, waxana aan leeyahay madaxda dawladda waxa loo baahan yahay in 24 saac gudahoos ay ku soo gaadhaan degmada, waxana aan si wayn ugu canaanaynaa waxa ka socda degmada wasiirka arrimaha gudaha”

 

 

Xildhibaan Maxamed Aadan Muumin Kacab oo hadalka soo afmeeray ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka tacsiyaynayaa bulshada hadalkii ka soo yeedhay guddoomiyahayaga ee uu ku sheegay inay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, sharaftanu waxay tahay mid uu Eebe bixiyo ee aanay ahayn mid ay aadamuhu bixiyaan, hadafka ugu wayn ee uu guddoomiyuhu ka leeyahay hadalkaasi gafka ahaana waxa uu yahay inuu ceeb uu isagu leeyahay uu marmariyo xildhibaanada kale oo Beri ka ah waxa la sheegayo. Xildhibaanada cadhooday ee albaabka dhigay baabuurka arrintoodii oo taagan ayaa waxa laga dhigay mid fadeexad ah oo ay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, xildhibaanada bulsho ayaa soo dooratay oo sharaf iyo karaamo ayay leeyihiin, in la fadeexadeeyana waa ayaan daro, waxaaan leeyahay Wasaarada Arrimaha Gudaha waa inaad arrintan soo faragalisaan sida ugu dhaqso badan, waa masuuliyadeedii, iyada ayaana hawshan masuuliyadeeda leh, shaqaalaha D/hoosana waa shaqaale oo waa la qasbay, saxaafadana dhinicii loo adeegsaday ayay u shaqaysay oo hadalkii la yidhi ayay qaateen, sharciga ayaananu la tiigsanaynaa cidii masuul ah ee gafka gaysatay waxana laga rabaa inay cadaynteedii la yimaadaan”

 

Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Muuse Biixi oo fuliyey qodob ka mid ah go’aankii dhawaan ay soo saareen guddidii turxaan bixinta xisbiga Kulmiye

 Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga kulmiye oo goor dhawayd na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-




 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland