Hargeysa (Himilomedia.com) Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in toddobaadka Cuntada iyo Biyaha Somaliland, uu noqdo toddobaadka ugu horeeya bisha saddexaad sanad kasta.
Wasiirada wasaaradaha Qorshaynta , Kaluumiysiga, Beeraha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Deeganka iyo Horumarinta reer miyiga iyo guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee loo yaqaano (NERAD) ayaa maanta kulan balaadhan oo ay ku yeesheen xarunta wasaaradda qorshaynta qaranka, waxay kulankaasi ka dib ku dhawaaqeen toddobaadka cuntada iyo biyaha Somaliland, oo ay falaqeyn dheer oo ay yeeshen ku sheegeen in loo qoondeeyey loona Asteeyey toddobaadka cuntada iyo biyaha Somaliland, sidii bulshada Somaliland loogu baraarujin lahaa cuntada iyo biyaha.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Dr Sacad cali Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay toddobaadka cuntada iyo biyaha ee Somaliland, kaasoo ay iska kaashanayaan lix wasaaradood iyo hay’adda NERAD, socona doona muddo toddoba cisho ah, ololahaas oo ka koobnaan doona wacyigelin, Doodo, shirweynayaal iyo bandhigyo.
Wasiirka qorshaynta qaranku waxa kale oo uu sheegay in ujeedada laga leeyahay ololahaasi ay tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa wax soo saarka dalka, bulshada Somaliland-na ay u isticmaali lahayd midhaha ka soo baxa dalagyada gudaha laga beero, isagoo wasiirku xusay in cuntooyinka xiligan la isticmaalo 85% laga keeno dalka dibadiisa, kaasoo qiimo badan oo dhaqaale uu sanad walba kaga baxo Somaliland. Isagoo intaa ku daray in cuntada dibada laga keenayaa aanay lahayn tayadii looga baahnaa.
Dhinaca kalena mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda biyaha Xuseen Axmed Cabdallahi, wasiirka wasaaradda Beeraha Proff Faarax Cilmi geedoole, wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga Cali Jaamac Faarax Buureed, wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Gudoomiyaha Hay’adda NERAD Dr Maxamed Muuse Cawaale oo dhamaantood madashaasi ka hadlay ayaa isku waafaqay in dalka gudihiisa laga diyaarin karo cuntooyin faro badan oo lagaga maarmi karo cuntada dibadda laga keeno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment