London (Himilomedia.com):- Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa sheegay in lacagta ay ugu deeqaan dalka Soomaaliya ee ay dagaaladu aafeeyeen inay u gacan gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya isla markaana aan loo isticmaalin sidii ay ugu talo galeen balse ay si kale uga baxdo gacanta Dawladda.
Dowladda Ingiriiska oo sanad kasta lacag gaadheysa 90 Million oo Dollar ugu yaboohda Waddanka Soomaaliya, ayaa tilmaantay in lacagahaasi oo ay ugu tala gashay in wax lagaga qabto xaaladaha Beni-aadannimo ay gacanta u galaan dagaalyahanka Al-Shabaab.
Raysal-wasaaraha dowladda Britain David Cameron, ayaa sheegay in lacagta gargaarka ah ee ay siiyaa Soomaaliya aanu sidii loogu tala galay loo maareyn, oo aan lagu fulin howlaha samafalka ee ay ugu talogaleen laakiin ay gacanta u galaan Al-Shabaab.
Dawladda Ingiriiska,ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso dhaqaalaha ay siinayso Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee loogu fulin karo arrimaha samafal ee ay ugu talo galeen.
Hadalka Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron,ayaa saamayn weyn ku yeelan kara Dawladda Soomaaliya isla markaana sabab u noqon karta inay Dawladda Soomaaliya inay weydo lacago badan oo ay ka hesho dawladaha ka taageera dhanka dhaqaalaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment