Saturday, February 22, 2014

Deegaan ka tirsan Somaliland oo looga Cabsi Qabo Marti-gelinta Argagixisada

Ceel-dibri, (Himilomedia.com)- Bulshada ku dhaqan deegaanka Ceel-dibri oo ka tirsan degmada Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag, ayaa cabasho ka mujiyay xaaladda deegaanka Ceel-dibir oo ay sheegeen in haddii aanay Xukuumadda Somaliland ka soo gaadhin dhibaatada ka jirta ay isu beddeli karto xarun looga arrimiyo Argagixisada.
Tuulada Ceel-dibir ayaa ku taala deegaamada Buuraleyda ah ee Xeebaha gobolka Sanaag, maamul ahaanna waxay ay hoos tagtaa degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, waxaana lagu tiriyaa deegaamada fog-fog ee jid la’aantu ka goysay qaybaha kale ee gobolkaas.
Duqa Tuulda Ceel-dibri Xasan Jaamac oo Khadka Taleefoonka kula xidhiidhay Weriye ka tirsan shabakadda Aftahannews oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa baaq u diray Xukuumadda Somaliland kana war bixiyay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaankaas.
“Buur dusheed ayaan kaala hadlayaa, waxaan ogeysiinayaa Xukuumadda Somaliland iyo bulshadeeda in deegaankan Ceel-dibri oo ka tirsan degmada Ceel-afwayne ay ka jirto dhibaato xun oo halis u ah nabadgelayda Somaliland, waa meel noqtay halka ay isgu yimaaddaan cid kasta oo gacan ku dhiigle ah, wa meel aanay dawladda Somaliland war ka hayn,” ayuu yidhi Duqa Ceel-dibri Xasan Jaamac.
Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Meesha noogu dhow ee aad Somaliland Maamulkeeda ugu imanaysaa waxa ay noo jirta 70 km oo Ceel-afwayn ayay ka tirsan tahay ayaa la yidhaahdaa. Laakiin, Ceel-afwayn, iska daaye haddii aan immika laga hor-tagin dhibaatada ka jirta Ceel-dibri waxaan uga baqaynaa inay isu beddesho xarun looga arrimiyo nimanka argagixisada lagu sheego.” ayuu Xasan u sheegay Aftahan.
Oday Xasan ayaa sheegay sababta ay isugu beddeli karto meel xarun u ah argagixisada deegaanka Ceel-dibri, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Meeshan Ceel-dibri waxay hooy u noqotay meel kasta oo Soomaaliyi degto cidda wax ku soo dishaa waxay isugu yimaaddaan Ceel-dibri, ma jogaan wax dawladda Somaliland ka tirsan. Nimankan gacan-ku-dhiigleyaasha ah nin kastaaba markuu labo sano joogo waxa uu tagaa dalka Yemen oo dhinca Xeebta nooga dhow inta ay Ceel-dibri joogaan waxay ka shaqaystaan Beenyada oo deegaanka ka baxda.”
Xasan waxa kale oo uu sheegay in intii ay jirtay meeshan Ceel-dibri aanay arag wax dawladda Somaliland ka socda haddii ay tahay Cafimaadka, Waxbarshada iyo Shaqasiyaad sheegta uun inay ka mid yihiin ama ka socda Xukuumadda Somaliland.
Duqa Ceel-dibri Xasan Jaamac oo wax laga weydiiyey Ceel-dibri muuqaal ahaan iyo istaraajiyad ahaan halka ay Somaliland kaga taallo waxa uu yidhi; “Ceel-dibri waxay ku taal Gobolka Sanaag siiba xagga Xeebaha ayay xigtaa waa deegaan Buuraley ah, Ceel-dibri waddo qudha ayaa laga soo gala waddana kama baxado,” ayuu yidhi Xasan Jaamac.
Duqa Tuulada Ceel-dibri waxa uu baaq u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi; “Ugu danbayntii waxaannu Xukuumadda Somaliland u gudbinayaa baaq ah inay naga soo gaadho Xaaladda adag ee ka jirta deegaanka haddii kale sida ay immika ku socoto waxay isu beddelaysaa meel looga arrimiyo Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, waayo? Cid kasta oo wax soo dishay waa joogta Soomaali iyo Carab.” Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment