Thursday, February 20, 2014

WAKIILLADA: Kediska go’aanka Guurtida, Rejada Kulanka Maanta & Xalka laga sugayo

Hargeysa, 19 Feb, 2013 (Himilo)- Shir-guddoonka Golaha Guurtida oo laga dhur-sugayey xal kama dambays ah oo ay ka soo saaraan khilaafka u dhexeeyey garabyada golaha Wakiillada, ayaa ka laabtay codsi ay ku dalbadeen in dib loogu dhigo fadhiga Golaha Wakiillada si ay wakhti ugu helaan go’aan ay ka soo saaraan khilaafka arrintan.
Shir-guddoonka guurtida iyo guddi ka tirsan golahaas, ayaa qoraal codsi ah oo ay dorraad soo saareen kaga dalbaday shir-guddoonka iyo mudaneyaasha golahaas in 25-ka bishan dib loogu dhigo fadhigooda oo lagu waday inuu shalay dib u furmo ka dib markii todoba cisho loo fasaxay khilaaf golahaas u kala qaybiyo garabyo kala afkaar duwan, ka dib markii guddiga dhex-dhexaadintu ay codsadeen six al loogu helo khilaafkaas.
Warqad uu ku saxeexan yahay ku-simaha Guddoomiyaha, ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali, kuna taariikhsneyd 18-kii February, isla markaana lagu socodsiiyey Shir-guddoonka iyo mudaneyaasha Golahaas, ayaa lagu xusay inay ka laabteen go’aankaas hore isla markaana la soo qaddimay wakhtiga hore ay uga codsadeen dib-u-dhigista fadhiga, una mudeeyeen in Mudaneyaasha Golaha Wakiilad ay isugu yimaadaan Aqalkooda maanta oo Arbaca ah.
Wargelinta ay Guurtidu shalay u gudbisay wakiillada, ayaa amakaag iyo afkala-qaad ku noqotay Garabyada ay u qabsan yihiin Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu, kuwaas oo qaarkood shaki ka muujiyeen sababta kalliftay deg-degshiinyaha iyo isbeddelka go’aankii hore ee ay Guurtidu dib ugu dhigeen fadhiga Mudaneyaasha Wakiillada.
“Annaga oo tix-raacyna warqaddayada tirsigeedu ahaa GG/JSL/47/02/2014 kuna taariikheysnayd 17/02/2014, kana hadlaysay in fadhiga Golaha wakiillada dib loo dhigo ilaa 25/02/2014, ayaanu idinku war-gelinaysaa in Fadhiga golaha hore loo soo dhigay, loona muddeeyey maalinta Arbacada ee ay Taariikhdu tahay 19/02/2014 saacaddu markay tahay 9:30 subaxnimo.
Sidaa darteed, waxaanu idinka rejaynaynaa in aad sidaasi ula socon doontaan, wakhtigana aad dhowrtaan,” sidaas ayaa lagu sheegay war-qadda lagu socodsiiyey Golaha Wakiilladda ee guddoomiye ku-xigeenka Guurtidu ku saxeexnaa ee oo Wargeyska Himilo nuqul ka mid ah Helay.
Warqadda ay guurtidu ku burisay go’aankeedii hore, ayaa tir-tiraysa qoraal war-gelin ah oo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan-Cirro uu ku fasaxay mudaneyaasha golahaas, waxaanay kedis iyo layaab ku noqotay isla markaana bulshada dhexdeeda su’aalo badan ka abuurtay sababta keentay isbeddelka deg-degga ah ee Golaha Guurtida.
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Md Siciid Jaamac Cali si cad uma shaacin xalka ugu dambeeya ee ay ku go’aamiyeen khilaafkii ay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu u maaro waayeen, balse wararka arrinta go’aankan ku saabsan ayaa sheegay inuu jiro go’aan kama dambays ah oo khilaafka lagu soo gunaanadayo, kaas oo lagu wado in fadhiga maanta ay Guurtidu hor keento garabyada isku haysta awoodaha shir-guddoonka Wakiillada.
In kasta oo ay gudiyadii labada garab ee Aqalka Wakiiladu u ogolaadeen Golaha Guurtida in ay go’aamadooda ku qanci doonaan, hadana waxa laga dhur-sugaaba waxaa go’aanka guurtida iyo jawaab-celinta ay dhinacyada khilaafku kaga fal-celiyaan tallaabo kasta oo muranka sharci lagu soo gunaanado.
Kulanka maanta loo ballamiyey Golaha Wakiillada oo go’aankiisa aanay ka iman Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa ku soo beegmaya iyaga oo la filayo inuu dalka Yimaaddo maanta Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

No comments:

Post a Comment