Sunday, February 23, 2014

TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Xubnaha golaha wasiirada, iyo madaxda kala duwan ee qaranku waxay tacsi u dirayaa dhamaanba reer Sheekh Maxamed Jirde iyo reer Maxamed Cabdi, gaar ahaan Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ay ka tacsiyadaynayaan geerida ku timid Walaasheed Xaawa-luul Sheekh Maxamed Jirde oo ku geeriyootay Dalka Ingiriiska 23.02.2014.

 

Sidoo kale waxay tacsi taasi la mid ah u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, ay ka baxday marxuumadaasi, waxaanay illaahay uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxadayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment